Dowladda Ruushka ayaa xaalad degdeg oo Heer Federaal ah uga dhawaaqday Gobolka Belgorod, kaas oo deris la ah Gobolka Kursk oo Ciidamada Ukraine ay ka dagaalamayaan.
Maamulka Gobolka Belgorod ayaa dadka rayidka ah ka daadgureynaya qaybo ka mid ah gobolkaasi, ka dib walaac xoog leh oo laga muujiyay weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Ciidamada Ukraine gaysanayaan, kuna soo fiday gobolkaasi.
Dadweynaha ayaa si ku-meel-gaar ah loogu rarayaa Magaalooyinka Nevinnomyssk, Mineralnye Vody iyo Shpakovsky.
Sidoo kale daadgureyn kaloo xoog leh ayaa ka socoto Gobolka Kursk ee ku yaala xuduudda Ruushka iyo Ukraine.
Gobolkan ayaa horey loogu soo rogay xaalad degdeg ah, iyada oo Ciidamada Ukraine ay isku ballaarinayaan jihooyin kala duwan oo gobolkaasi ah.
Ciidamada Ukraine ee hawlgalka ka wada dhulka Ruushka ayaa wata gaadiidka gaashaaman, madaafiicda goobta, gantaalada lidka taangiyada iyo diyaarado drones ah.
Wararka ayaa sheegaya in Militariga Ukraine ay la socdaan askar loo carbiyay dagaalka elektaroonikada, waana dagaalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay u soo diyaargaroobaan Ciidamada Ukraaniyiinta ee isku fidinaya dhulka Ruushka.
Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee uu Ruushku wajaho, tan iyo markii 30 bilood ka hor uu duulaanka ku qaaday dalka Ukraine, kuna qabsaday qaybo ka mid ah dhulka Ukraine, waana markii koowaad Ukraine ay dagaalkeeda u soo weeciso dhinaca Ruushka.
Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa caawa sheegtay in la aasaasay Golaha Isku Xirka (Golaha Xiriirinta), iyadoo la buuxinayo daldaloolada Militariga Ruushka ee ka jira Gobolada Kursk, Belgorod iyo Bryansk.
Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Difaaca Andrey Belousov, ka dib kulan gaar ah oo looga hadlayay ammaanka xuduudaha.
Wasiirka ayaa sheegay in yoolku uu yahay in la kordhiyo taageerada buuxda ee Ciidamada Qalabka Sida, ilaainta xuduudaha gobolada iyo dadka deegaanka.
Ruushka ayaa wajahaya dagaal ay daaha gadaashiisa ka maamulayaan dalalka reer galbeedka, kaas oo aan la ogeyn waxa ay ciribtiisu ku dambeen doonto.
Ukraine ayaa si lama filaan ah u soo weerartay gudaha Ruushka, xilli Ruushku uu maalmihii ugu dambeysay ku howlanaa in uu Iran ka taageero xoojinta hannaankeeda difaaca hawada, iyada oo diyaaargarow ugu jirta inay ka aargudato dilkii ay Israel Tehran ugu gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.
Tani ayaa waxaa loo fasirtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay reer galbeedku ku tijaabinayaan Ruushka.
Ruushka ayaa horey wacad ugu maray in uu adeegsan doono hubkiisa istiraatiijiga ah, haddii Ukraine iyo xulafada ku daaban ay ka gudbaan khadka cas.