Ruushka ayaa maanta garaacay magaalooyin ay ka mid tahay Caasimadda Kyiv, tani oo qayb ka ah kororka weerarada ee ka sii socdo dalkaasi.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in saakay ay qaraxyo waaweyn ruxeen magaalo madaxda dalkaasi ee Kyiv, inkastoo aysan sheegin cid wax ku noqotay.
Ruushka ayaa sidoo kale garaacay bartilmaameedyo ku yaala Magaalooyinka Lviv iyo Kryvyi Rih, iyadoo shan qof ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo ka dhacay Kryvyi Rih.
Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 38 kalena ay ku dhaawacmeen, markii gantaalo iyo diyaarado drones ah lagu weeraray dhismayaal ku yaala Magaalada Lviv.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in dadka ku dhintay weerarka Lviv ay ku jiraan saddex carruur ah.
“Carruurta ku dhimatay weerarka waxaa ka mid ah gabar 9 jir ah iyo wiil 10 jir ah.” Ayuu yiri Duqa Lviv, Andriy Sadovyi.
Ruushka ayaa sii wada weeraradiisa Ukraine, ka dib weerarkii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Magaalada Poltava. Weerarka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 51 qof, halka 271 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa dhaliyay codsi cusub oo Dowladda Ukraine ay u jeedisay xulafadeeda reer galbeedka, oo ku saabsan in ay kaalmo militari soo gaarsiiyaan dalkeeda, si ay isaga caabiso weerarada Ruushka.
Ka dib markii Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky uu si degdeg ah u codsaday gargaarka militari, Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Washington ay kaalmo militari oo dheeri ah u diri doonto Kyiv, toddobaadyada soo socda.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaan weli ka hadlin weeraradan ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Ukraine, balse waxaa cad in Ruushku uu carreysan yahay.
Ruushka ayaa dhowr iyo tobankii cisho ee ugu dambeysay gaysanayay weeraro ay dad badani ku dhimanayaan, ka gadaal markii Ciidamada Ukraine ay 6-dii bishii August gudaha u galeen gobolka galbeedka Ruushka ku yaala ee Kursk.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay sheegay in Ukraine ay ka shalaayi doonto waxa uu ku sheegay weerarka argagixiso ee ay ku soo qaadday dalkiisa.
Ukraine ayaa muddooyinkan ka codsaneysay reer galbeedka inay u ogolaadaan in gantaalaha ridada dheer ay horey u siiyeen ciidamadeeda ay ku weerari karaan bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka.