Home Wararka Caalamka Sacuudiga oo sheegay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza

Sacuudiga oo sheegay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza

by Laacib

Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay Ciidamada Israel ku eedeeyay inay xasuuq ka wadaan deegaanada ku yaala waqooyiga Marinka Gaza, ka dib toddobaadkii afaraad oo go’doomin ay ku hayaan.

Ciidamada Israel ayaa xiray dhammaanba marinada gargaarka, iyagoona diidan in halkaasi la geeyo sahayda raashiinka, biyaha, dawada iyo shidaalka, taas oo gobolka iyo dunidaba ka dhalisay walaac xoog leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud oo Khamiistii ka hadlayay shirka maalgashiga ee Riyadh ayaa sheegay in ficilada Israel ee waqooyiga Marinka Gaza ay yihiin nooc xasuuq, dabkana ay ku sii shideyso rabshadaha Bariga Dhexe.

“Xaqiiqdii waxay ka soo horjeeddaa sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, waxayna quudineysaa rabshado is daba joog ah.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiisyada laba geesoodka ee iyaga iyo Mareykanka aysan keeni karin in xiriir caadi ah ay la yeeshaan Israel.

Waxa uu ku celiyay mowqifka Boqortooyada ee ku saabsan inaysan aqoonsan doonin Israel, iyadoo aan la helin dowlad ay shacabka Falastiiniyiinta leeyihiin.

Mareykanka ayaa sanado ka hor Sacuudiga u soo bandhigay inay xiriir toos ah la yeeshaan Israel. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo taasi ka jawaabayay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan soo jeedintaasi, balse ay sugayaan inta ay xaaladdu sax ka noqoneyso, oo ah in la yegleelo Dowladda Falastiin.

“Heshiisyada ganacsiga iyo sirdoonka macmalka ah ee Mareykanka kuma xirna cid saddexaad.” Ayuu yiri Wasiirku.

Waxa uu intaasi ku daray in hadda ay eegayaan waxa ka socda waqooyiga Marinka Gaza.

“Waqooyiga Gaza waxaa lagu hayaa go’doomin dhameystiran, iyadoo laga jaray gargaarka bani’aadantinimo oo ay wehliso weerarada militari ee joogtada ah, mana jirto waddo dhab ah oo dadka rayidka ah ay ku badbaadi karaan, si ay u raadsadaan goob nabdoon.” Ayuu yiri Wasiir Faisal bin Farhan.

Ka hor weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ku qaadday dhulka ay Israel maamusho, Sacuudiga iyo Israel ayaa ku sii dhawaanayay inay xiriir dhow yeeshaan, ka dib dadaal badan oo Mareykanka uu ku bixiyay, sidii Riyadh ay u aqoonsan lahayd Tel Aviv. Sacuudiga ayaana bartamihii bishii October ee sanadkaasi ku dhawaaqay inay hakiyeen wada hadaladii ku aaddanaa, sidii loo caadiyeyn lahaa xiriirka Israel.

Sacuudiga oo ah dalka ay ku daba feelaan wadamada Islaamka, maadaama ay ku yaallaan goobaha ugu barakaysan ee Islaamka ayaan ebid aqoonsan Dowladnimada Israel.

Riyadh ayaa sheegtay inaysan xiriir caadi ah la yeelan doonin Israel, illaa iyo inta ay ka aqbaleyso dhismaha Dowladda Falastiin.

Weerarkii October 7-deedii ayaa carqaladeeyay dadaaladii uu Mareykanka garwadeenka ka ahaa ee markii ugu horreysay Washington ay xiriir rasmi ah uga dhex dhalin lahayd Sacuudiga iyo Israel.

Sacuudiga waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka.

Sacuudiga ayaa hadda aqoonsiga Israel ku xiraya shuruudda ah in la helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, isla-markaana ay tahay xaqiiqada aan la iska indha tiri karin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa Arbacadii dalkaasi ka furay shir loogu magac-daray (Shirka Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hirgelinta Xalka Labada Dal).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc