Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilowday dhageysiga eedeymaha loo haysto saddex ka mid ah xaasaska maleeshiyada Al Shabaab.
Sucdi Cabdi Cilmi, Maryan Macalin Isaaq iyo Saynab Axmed Cismaan ayaa loo haystaa la shaqaynta maleeshiyada Al Shabaab iyo qarinta xogaha maleeshiyadaasi.
Haweenkan oo isaga kala yimid deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay iyo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayuu bar-kulankoodu ahaa Tabeellaha Muqdisho, halkaas oo uu ka kaxeeyay Muxudiin Salaad Cabdulle, kaas oo la sheegay in haweenkaasi uu u safrinayay deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Muxudiin Salaad Cabdulle oo sidoo kale maxkamadda la horkeenay ayaa ku eedeysan inuu xaasaskaasi xubnaha ka tirsan Al Shabaab ugu gaynayay goobaha ay ku sugan yihiin.
Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo xogtooda heshay ayaa uga daba tagtay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ay afartuba ka soo xirtay, xilli ay ku safrayeen gaari Leyla Calaawi ahaa.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in haweenkan ay u dhaxaan Xasan Yacquub Cusboole, Masdar Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Mukhtaar Fiqi, oo dhammaantood ka wada tirsan Jabhadaha Al Shabaab.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray dhageysiga garmaqalka eedeysaneyaasha, isagoona sheegay in maxkamadda ay dib ka soo saari doonto go’aankeeda.