Ugu yaraan saddex Saxafi oo reer Lubnaan ah ayaa lagu dilay duqayn ay diyaaradaha dagaalka Israel Jimcahan ka gaysteen dalka Lubnaan.
Wariyeyaasha ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay hurdeen oo ku taala deeganka Hasbaiyya ee koonfurta Lubnaan.
Warbaahinta dalkaasi ayaa dilkooda ku sifeysay mid qorsheysan, si loo aamusiiyo, loona baqdin geliyo Wariyeyaasha.
Wariyeyaashan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo soo tebiya wararka la xiriira dagaalka ay Israel kula jirto Ururka Xisbullah.
Wasiirka Warfaafinta Lubnaan, Ziad Makary ayaa sheegay in Israel ay si ula kac ah u dishay wariyeyaashaasi, iyagoo hurda goob ay deegaan ka sameysteen.
Wasiirka ayaa weerarkan ku tilmaamay inuu yahay dembi dagaal, mana jirto wax war ah oo dhanka Israel ka soo baxay oo ku aaddan eedeymahaasi, inkastoo militarigeeda ay sheegteen in Ciidanka Cirka ay gantaalo ku garaaceen goobtaasi.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya in la burburiyay gaadiid iyo qalab kale oo loogu adeego Warbaahinta.
Gawaaridan ayaa lahaa calaamadda Saxaafadda ee Press, taasoo ku tusineysa inay ka fog yihiin dhinacyada hubeysan.
Duqayntu waxay ahayd mid naadir ah oo lagu qaaday goob illaa iyo hadda ka caaganeyd weerarada xagga cirka, oo Warbaahintu ay u adeegsan jirtay saldhig laga soo tebiyo dagaalka.
Militariga Israel ayaan wax digniin ah ka soo saarin in goobta la beegsan doono, inkastoo sida ay sheegeen ay dib u eegi doonaan in Shaqaale Warbaahineed ay wax ku noqdeen weerarka.
Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa sheegaya in Saxafiyiinta oo si ula kac ah loo beegsado ay tahay dembi dagaal.
“Saxafiyiintu waa dad rayid ah oo xaq u leh inuu ilaaliyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Aya Majzoub, Kuxigeenka Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Dhexe oo wax laga naxo ku sheegay in Israel ay bartilmaameedsato hay’adaha rayidka.
Saxafiyiinta weerarka lagu dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohammed Rida, Wissam Qassim iyo Ghassan Najjar.
Weerarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee lagu qaado bahda Saxaafadda, tan iyo intii ay dib u soo cusboonaatay xiisadda xuduudda ee labada dal, sanad ka hor.