Home Dhacdooyin Sanbaloolshe oo kormeeray deegaanadii Gobolka Hiiraan ee lagu dagaalamay

Sanbaloolshe oo kormeeray deegaanadii Gobolka Hiiraan ee lagu dagaalamay

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa booqday jiidda deegaanka Beera-yabaal ee bariga Gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta ay ciidamadu dagaal culus kula galeen maleeshiyada Al Shabaab.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waaberigii hore weerartay fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin deegaanada Caddow Gurey, Beera-yabaal iyo aagga Aboorey ee duleedka Degmada Buuloburde.

Ciidamada ayaa si weyn isaga caabiyay maleeshiyadii weerarka soo qaadday, iyagoona ka dilay xubno ka tirsan oo sida la sheegay ay meydadkooda halkaasi uga taggeen.

Agaasimaha Hay’adda NISA oo uu wehliyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa bogaadin ugu tagey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee halkaasi degan.

Agaasimaha NISA iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa Insiintii gaaray furimaha hore ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka uu xalay ku hoyday jiidda Beera-yabaal, halka Sanbaloolshe uu isna ku hoyday afaafka hore ee Degmada Buuloburde.

Masuuliyiintan ayaa gobolka u jooga dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, oo 27-kii bishii hore ee January ka bilowday bariga gobolkaasi.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa galabta sheegay in Shabaabkii soo weeraray deegaanadaasi ay ka yimaadeen daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in laga hortegay ujeedkii Shabaabka, oo uu ku sheegay inay doonayeen in ay dhibaateeyaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

Deegaanadan ayaa Al Shabaab laga saaray horaantii bishan, waana maalmo uun ka dib, markii uu gobolkaasi ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka.

Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay galbeedka gobolka, waana halka la sheegay in ciidamadu uu hawlgalkoodu ku wajahan yahay, marka ay maleeshiyada ka sifeeyaan deegaanada jiinka webiga ee dhaca bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc