Home Wararka Maanta Saraakiil Al Shabaab oo duqayn lagu dilay

Saraakiil Al Shabaab oo duqayn lagu dilay

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in duqayn lagu dilay laba ka mid ah horjoogeyaasha maleeshiyada Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa ku warantay in labadaasi horjooge lagu dilay duqayn xalay ka dhacday deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabellaha Hoose. Jambaluul ayaa hoostagta Degmada Afgooye.

NISA ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegtay in xubnaha la dilay ay kala yihiin Farxaan Cismaan Xasan (Jacfar Karuur), oo ay ku sheegtay Madaxii Qaraxyada Al Shabaab ee Gobolada Banaadir & Shabellaha Hoose iyo Axmed Gamuur, oo isna ahaa bay tiri Madaxa Maaliyadda ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Hawlgalkan oo ay Hay’adda NISA fulisay, ka dib markii ay hubisay xogta horjoogeyaashan ayaa sidoo kale waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada horjooge, iyada oo la xaqiijiyay dhimashada dhammaan xubnihii Khawaarijta ee la duqeeyay.” Ayaa lagu yiri warka NISA.

Warka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka ay xoojiyeen hawlgalka lagu ciribtirayo baa warka lagu yiri haraadiga kooxaha Khawaarijta ah.

Habeenadii u dambeeyay ayaad mooddaa in ay kordheen weerarada xagga cirka ee laga fulinayo Gobolka Shabellaha Hoose, waana xilli duqaymuhu ay si xiriir ah uga socdaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Hawlgalka hawada ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa barbar socda midka dhinaca dhulka ee ay ciidamadu ka wadaan gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc