Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna oo isku day dil ka badbaaday

Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna oo isku day dil ka badbaaday

by Laacib

Mid ka mid ah Saraakiishii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa ka badbaaday isku day dil, ka dib markii gaarigii uu la socday qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Caydiid Maxamed Cali oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan lagu la eegtay qarax horey loogu sii diyaariyay waddada dhinaceeda.

Sarkaalkan ayaa ka badbaaday qaraxaasi, inkastoo laba ka mid ah ilaaladiisii ay ku dhinteen.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaan cidna u soo qaban qaraxaasi. Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayuu ujeedku ahaa in lagu qaarajiyo Caydiid Maxamed Cali oo nin dhallinyaro ah, kana mid ahaa saraakiishii ugu firfircooneyd ee Maamulkii Ahlu Sunna.

Sarkaalkan ayaa horey u soo noqday Hoggaanka Nabadgelyada ee Gobolka Galgaduud, intii Ahlu Sunna ay ka arrimineysay Bartamaha Somaliya. Asaga oo ku dhaawacmay dagaal ahlusuna iyo alshabaab ku dhexmaray deegaanka labidule.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa dhulkii ay maamuleysay ku wareejisay Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii November ee sanadkii 2019, iyadoo wixii xilligaasi ka dambeeyay ay Al Shabaab bilowday inay magaalooyinka dalka qaarkood ku ugaarsato Saraakiishii Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna ayaa dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay goob ka caagan weerarada Shabaabka, waana tan keentay in Shabaabku ay beegsadaan saraakiisheedii.

Ahlu Sunna waxay mar ahayd cudud xoog leh oo ka jirta deegaanada Galmudug, waxaana lagu ammaanaa in ay ummadda Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo mintdiintaasi Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc