Israel ayaa sheegatay masuuliyadda sarkaal ka tirsanaa Ururka Xisbullah oo maanta lagu dilay duqayn ka dhacday koonfurta dalka Lubnaan.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay hawlgal xagga cirka ah ku dileen Hussein Ibrahim Kaseb, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah ee Guutooyinka Radwan.
Guutooyinka Radwan waa ciidan si gaar ah u tababaran oo Xisbullah ay leedahay, waana xoogaga weerarada ku haya deegaanada waqooyiga Israel ee saaran xuduudda labada dal.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan la bartilmaameedsaday, xilli uu la socday dhugdhugley mareysay duleedka Magaalada Tyre, taas oo ku dhow xuduudda.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in diyaarad drone ay beegsatay mooto mareysay deegaanka Qadmous ee duleedka Magaalada Tyre, balse ma sheegin cidda la socotay.
“Hal qof ayaa ku dhintay, ka dib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israel ay gantaal ku dhufatay mootada oo mareysay bariga Tyre.” Ayay baahisay Wakaaladda Wararka NNA.
Xisbullah ayaa caawa xaqiijisay geerida Hussein Ibrahim Kaseb, sida lagu sheegay qoraal ay Warbaahinta gobolka ka soo xigatay ururka.
Dhanka kale 10 qof ayaa lagu dilay, shan kalena waa lagu dhaawacay duqaymo ay Israel saakay ka gaysatay magaalada koonfurta Lubnaan ku taala ee Nabatieh, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
“Dhammaan dadkan ku dhintay duqaymaha ayaa u dhashay dalka Suuriya. Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa ka mid ah dadka dhintay.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.
Warka ayaa lagu yiri “Sidoo kale duqaymahan ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof, kuwaas oo laba ka mid ah ay xaaladoodu liidato. Saddex ka mid ah dadkan waa Suuriyaan, mid Sudanese ah iyo mid Lubnaani ah. Labada qof ay xaaladoodu liidato waa muwaadiniin Suuriyaan ah.”
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in waaberigii saakay ay garaaceen goobo kala duwan, oo sida ay sheegeen uu ku jiro bakhaar hub ugu kaydsanaa Xisbullah oo ku yaala duleedka magaaladaasi.
Xoogaga Xisbullah oo ka jawaabaya weerarkaasi ayaa gantaalo ku garaacay deegaanka Ayelet Hashahar ee waqooyiga Israel, mana cadda khasaaraha ay gaysteen.
Weeraradii maanta ee kow iyo tobanka qof lagu dilay ee midi uu sarkaalka ahaa ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ay Israel ka gaysato dalka Lubnaan, tan iyo 8-dii bishii October.
Xisbullah iyo Israel ayaa si maalinle ah duqaymo iskugu weydaarsanayay deegaanada xuduudda, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa marar badan ku celceliyay inaysan joojin doonin weeraradooda ka dhanka ah Israel, illaa iyo inta uu dagaalku ka socdo Marinka Gaza.