Home Wararka Maanta Senator Chris Van Hollen oo ku baaqay in lala xisaabtamo Israel

Senator Chris Van Hollen oo ku baaqay in lala xisaabtamo Israel

by Laacib

Chris Van Hollen oo ka tirsan Senatorada Mareykanka ayaa dhalleeceeyay rabshadaha ay Israeliyiinta la deegaameeyay ka wadaan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Senator Chris Van Hollen ayaa sheegay in haddii ay yihiin Senatoradii Mareykanka aysan indhaha ka qarsan karin muwaadiniintooda lagu dilayo dhulka sida xoogga ah lagu haysto, isagoo daba socdo dilkii Aysenur Ezgi Eygi Jimcihii loogu gaystay Magaalada Nablus ee Daanta Galbeed. Aysenur Ezgi ayaa ahayd gabar Turkish ah, balse sidoo kale haysatay dhalashada Mareykanka.

Senator Chris Van Hollen ayaa sheegay in 11-kii bilood ee la soo dhaafay ay Israeliyiintu dileen saddex ka mid ah muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo aysan jirin cid loo soo xiray.

Senator-ka ayaa ku baaqay caddaalad iyo isla xisaabtan, si dhiigga muwaadiniintooda la daadiyay aanu u noqon mid meel cidlo ah ku daatay.

Waxa uu sheegay in Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, sida Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ay hurinayaan rabshadaha ay dadka la deegaameeyay ka sameynayaan Daanta Galbeed iyo in ay si joogta ahi ugu baaqayaan in halkaasi laga sameeyo deegaameyn cusub oo sharci darro ah.

Senator-ka laga soo doorto Gobolka Maryland ayaa sheegay in uu la kulmay qoysaska labada kale ee Mareykanka u dhashay ee ay horey Ciidamada Israel ugu dileen Daanta Galbeed, isagoona Maamulka Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inaysan qaadin wax ku filan, oo caddaalad loogu raadinayo dadka ay wakiilka ka yihiin.

“Haddii Xukuumadda Netanyahu aysan caddaalad u raadinin, waa in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay iyadu caddaalad u raadisaa.” Ayuu yiri Senator Chris Van Hollen.

Dhanka kale Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay shalay toogasho ku dileen gabadhaasi, oo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Falastiin.

Xafiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Difaaca Israel ay madaxa ka toogteen gabadhaasi oo 26 jir ahayd, xilli ay ka qayb qaadaneysay baa bayaanka lagu yiri mudaaharaad nabadeed oo looga soo horjeedo dhulka la haysto.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaan dilkeeda si toos ah ugu eedeyn Ciidamada Israel, balse waxa uu Tel Aviv ugu baaqay inay baaritaan sameyso.

Mareykanka ayaa caddaalad u raadiya muwaadiniintiisa lagu dilo dalalka kale ee caalamka, balse kuwooda lagu dilo Israel ayaad mooddaa in uu indhaha ka laabto.

Taariikhiyan, Maamulka iyo Maxkamadaha Israel ayaan aalaaba askartooda u ciqaabin dembiyada baahsan ee ay ka gaysanayaan dhulka la haysto. Israel ayaase mararka qaarkood sameyso qirasho ay bulshada caalamka ku tilmaamto mid ceeb ah, marba haddii aysan ku dhaqmeynin sarreynta sharciga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc