Home Wararka Maanta Shabaab badan oo la sheegay in lagu dilay Labada Shabelle

Shabaab badan oo la sheegay in lagu dilay Labada Shabelle

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 41 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay duqaymo ka dhacay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhex.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in duqayn ay iska kaashadeen ciidankeeda iyo kuwa Xoogga Dalka oo laga fuliyay deegaanka Boos Hareeri ee Gobolka Shabellaha Dhexe in lagu dilay 29 xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

NISA ayaa war ay goor dambe oo xalay ahayd soo saartay ku sheegtay in 12 xubnood oo kale ay ku dishay duqayn ay ka fulisay deegaanka Jambaluul ee Gobolka Shabellaha Hoose.

“Hawlgaladan oo maanta soo bilowday, illaa iyo haddana socda ayaa jab xoog leh lagu gaarsiiyay argagixisada.” Ayaa lagu sheegay warka.

Warka ayaa lagu yiri “Hay’adda NISA waxa ay dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.”

Toddobaadkan ayaa waxaa kordhay weerarada xagga cirka ee maleeshiyada Shabaabka lagu la beegsanayo Gobolka Shabelleha Hoose, iyagoona barbar socda duqaymaha sida joogtada ahi looga fulinayo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa hawlgal ballaaran ka wada qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc