Home Wararka Maanta Shabaab fara-badan oo la sheegay in duqayn lagu dilay

Shabaab fara-badan oo la sheegay in duqayn lagu dilay

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 82 nin oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab lagu dilay duqayn ay ka fulisay Gobolka Shabellaha Hoose.

Hay’adda NISA ayaa war ay saqdii dhexe ee xalay soo saartay ku sheegtay in xubnahaasi lagu dilay deegaano hoostaga Degmada Afgooye.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo hawlgalo duqayn ah oo illaa lix gaaraya ka fuliyay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa halkaasi ku dilay 82 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta, halka 19 kalena dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqaynta.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Hawlgaladan lagu naafeeyay argagixisada oo illaa caawa soo gaaray ayaa yimid, ka dib markii Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga deegaanka Sabiid iyo Caanoole.”

NISA ayaa mar kale shacabka ugu yeertay in ay ka fogaadaan meelaha ay ka ag-dhow yihiin Shabaabka.

“Hay’adda NISA, waxa ay mar kale dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.” Ayay NISA ku sheegtay warkeeda.

Duqayntan ayaa imaneysa, xilli Shabaabku ay Khamiistii weerar culus ku qaadeen Sabiid iyo Caanoole.

Labadii toddobaad ee u dambeysay ayaa waxaa kordhayay weerarada xagga cirka ee maleeshiyada Shabaabka lagu la beegsanayo Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoona barbar socda duqaymaha sida joogtada ahi looga fulinayo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc