Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab ay gaareen aagagga deegaanka Jicibow ee bariga gobolkaasi, xilligan oo ciidamadu ay weerar ku hayaan.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay gurmad ahaan ugu timid deegaankaasi, iyagoo ka yimid dhanka galbeed ee gobolka.
Dadka reer Jicibow ayaa soo sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay gurmadka Shabaabku ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabelle.
Jicibow oo ku taala bariga Gobolka Hiiraan ayaa saaran webiga jiinkiisa, waxayna ka mid tahay deegaanada gobolkaasi ee webiga uu dhinac maro. Webiga Shabelle ayaa kala qaybiya labada daamood ee bariga iyo galbeedka ee gobolka.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa ku sii siqaya deegaankaasi oo hoostaga Degmada Buuloburde, si Shabaabka looga saaro.
Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in ay dareemayaan in culeys weyn uu ka soo fuulay dhinaca Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda.
Shabaabka ayaa isku dayaya in ay xoojiyaan aagagga ay ka difaacayaan deegaankaasi, si aanu gacantooda uga bixin.
Shabaabka ayaa Jicibow u arka meel aad muhiim ugu ah, oo haddii ay lumiyaana ay dhibaato ku keeni karto, bacdamaa ay ogyihiin in ciidamada aysan halkaasi ku hakan doonin.
Saraakiisha Ciidamada ayaa goor sii horreysay sheegay in Ciidanka Xoogga iyo Macawiisleyda ay ku wajahan yihiin daanta galbeed ee gobolka, marka kooxaha argagixisada laga sifeeyo goobaha yar ee ay kaga sugan yihiin bariga gobolka ee dhaca webiga jiinkiisa.
Ciidamada ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay hawlgal sifeyn ah ka waday webiga qarkiisa.