Home Wararka Maanta Shabaab oo dad badan ka qafaalay duleedka Degmada Xarardheere

Shabaab oo dad badan ka qafaalay duleedka Degmada Xarardheere

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa dad fara-badan ka afduubay deegaano hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan laga afduubay deegaanada Tabar-mooge & Carfuuda iyo tuulooyinka hoostagga, ka dib duqayntii xooganeyd ee toddobaadkii hore loogu gaystay.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa garaacay farriisimo ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanadaasi, waxayna Dowladda Federaalka sheegtay in la duqeeyay dhowr goobood oo deegaanadaasi ay kaga sugnaayeen, laguna dilay 100 xubnood oo ka tirsaneyd maleeshiyadaasi.

Ma cadda waxa Shabaabku ay dadkan ka doonayaan, balse wararka ayaa sheegaya in ay tuhunsan yihiin in ay Ciidanka Qaranka iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah kala shaqeeyeen hawlgalada xagga cirka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Shabaabku wadeen qabqabashada dadka rayidka ah, isla-markaana ay ula kala dhaqaaqeen deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere iyo Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in illaa iyo hadda ay Shabaabku kaxeysteen tobanaan qof oo u badan dad reer miyi oo xoolo dhaqato ah iyo kuwo kale, oo sida la sheegayo dhawaan ka yimid dhanka Degmada Xarardheere.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale ay Shabaabku xireen xubno iyaga ka tirsanaa, oo ay la xiriirinayaan falal basaasnimo.

Shabaabka ayaa inta badan dadka rayidka ah iyo xubnaha iyaga ka tirsan u qabqabta, kolka ay la kulmaan duqaymaha ceynkani oo kale ah.

Warbaahinta ayay dadku marar fara-badan ka arkayn Shabaabka oo xukuno dil ah ku fulinaya dad ay ku eedeynayaan inay u basaasayeen, waxa ay ku sheegaan cadowga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc