Home Wararka Maanta Shabaab oo gudaha u galay Degmada Ceelbaraf

Shabaab oo gudaha u galay Degmada Ceelbaraf

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay bilaa dagaal kula wareegtay gacan ku haynta degmadaasi.

Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah. Ma cadda waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin.

Shabaabka ayaa maanta weerar culus ku ekeeyay deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca iyo Alkowsar ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ka dileen 130 nin.

Al Shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna sidoo kale sheegtay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.

Weeraradan ayaa loo fasirtay kuwo ay Shabaabku ku carqaladeynayaan hawlgalka ka soconaya deegaanada Hirshabelle ee la doonayo in lagu xoreynayo dhulka maqan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc