Home Wararka Maanta Shabaab oo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe

Shabaab oo la wareegay deegaan istiraatiiji ah oo dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta si lama filaan ah ula wareegay gacan ku haynta deegaanka War Ciise ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in qabsashadooda ay ka dambeysay, ka dib markii ay deegaankaasi banneeyeen xoogag ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay deegaanka soo gashay, iyagoo lugeynaya, qaarkoodna ay wataan gaadiidka dagaalka.

Saraakiisha horkaceysa maleeshiyada oo la hadlay dadka deegaanka ayaa u sheegay inaysan iyagu duulaan ku ahayn Macawiisleyda, isla-markaana ay dib ugu soo laaban karaan deegaankooda, kii doonayana ay qorigiisa ka iibsan doonaan.

Shabaabka ayaa marba isku qaadaya dhul cusub, iyagoo markaasi beegsanaya deegaanada istiraatiijiga ah ee gobolka.

War Ciise ayaa ku taala inta u dhaxeyso Magaalada Jowhar iyo deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km isu jira. War Ciise ayaa qiyaastii 25km jihada bari kaga toosan Jowhar.

War Ciise waxay juqraafi ahaan hoostagtaa Magaalada Jowhar, waana deegaan istiraatiiji ah oo dhanka kale isku xiro Jowhar iyo Degmada Raage Ceele.

Dadka qaarkii ayaa ka baqdin qaba in Shabaabku ay ku soo fidaan degmada bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ku taala ee Raage Ceele.

Raage Ceele ayaa saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo 9 sano deganaa Raage Ceele ayaa isaga baxay bishii October ee sanadkii 2023, ka dib markii uu saameeyay qorshaha lagu yareynayo tirada Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xilligaasi la wareegay fariisimihii Ciidanka ATMIS ee Raage Ceele. La wareegistooda ayaana qayb ka ah qorshaha qaran ee ay Ciidamada Dowladda kula wareegayaan amniga dalka.

Shabaabka ayaa laba toddobaad ka hor Gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaabay weeraro indhaha dadka soo jiitay, oo ay ku bartilmaameedsanayaan deegaanadii xorta ahaa ee horey looga saaray. Hadafka Shabaabka ayaana ah in ay fashiliyaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee ka bilowday deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc