Weerarka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar culus ku qaadday deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay jihooyin kala duwan ka weerartay fariisimaha ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ku leeyihiin deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo uu ka socdo Masaajid Cali Gaduud iyo goobaha ku teedsan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in la maqlayo qaraxyo xoogan, mana cadda inay tahay duqayn xagga cirka ah iyo in ay is qarxinayaan maleeshiyada wax soo weerartay.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku sugan deegaankaasi ayaa jilbaha u laabtay maleeshiyadaasi, iyagoona hadda u muuqdo kuwo dibadda uga saaraya deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ciidamadu ay ku mintidayaan gacan ku haynta fariisimaha ay halkaasi ku leeyihiin iyo inaysan Shabaabku gudaha u soo wada gelin deegaankaasi. Bilowgii dagaalka ayaa la sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyadaasi ay meelaha qaarkood uga soo duseen deegaanka, laakiin aad hadda mooddo in dib looga sii riixayo.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Al Shabaab ku qaaddo Masaajid Cali Gaduud, tan iyo intii laga saaray laba sano horteed.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa bishii October ee sanadkii 2022 la wareegay gacan ku haynta Masaajid Cali Gaduud, ka dib maalmo uu socday dagaal lagu riiqmay oo ay Shabaab kula galeen.
Weerarka ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay Degmada Cadale, uuna u joogo abaabulka iyo hawlgalka gobolka looga saarayo maleeshiyadaasi.