Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka iyo maleeshiyada Al Shabaab ayuu caawa gabalka ugu dhacay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, ka dib dagaal maanta oo ka dhan ku dhex marayay deegaankaasi.
Ciidamada ayaa tan iyo Talaadadii dagaal culus kula jira maleeshiyadaasi, ka gadaal markii 6-dii bishan ay soo gashay Aboorey oo ku dhawaad saddex sano ka hor laga saaray Al Shabaab.
Ciidamada oo si weyn ugu gacan sarreyay dagaalkii maanta ayaa maleeshiyada ka saaray inta badan deegaankaasi, iyagoona isugu geeyay xaafad qura oo hadda ay ku go’doonsan yihiin.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Gaarka ee NISA iyo Macawiisleyda ay waddo walba ka soo xireen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay dul joogaan.
Saraakiisha Ciidamada ayaa kuu sheegaya in Shabaabku ay ka dhex dagaalamayaan godad ay qaarka hoose kula jiraan oo halkaasi ay ka qoteen, qaarkoodna ay ku uruursan yihiin Masjid goobta ku yaala.
Waxaa muuqato in xaalad hubinti la’aan ah ay wajahayaan maleeshiyada Shabaabka ee go’doonsan, mana cadda illaa iyo inta ay sii dagaalami karaan.
Maleeshiyada ayay xaaladdoodu sii adkaan doontaa, haddii uu dhaawacoodu bato, rasaas yarina ay soo food saarto.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa muujiyay inaysan suurtagal ahayn in maleeshiyadu ay gurmad ka hesho dibadda.
Lama oga, sida maleeshiyada ay uga gudbi doonto xujadan ka qabsatay soo gelitaankoodii Aboorey.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadu ay dhici karto inay maleeshiyada u furaan waddo ay halkaasi kaga baxaan, taasoo aysan jirin cid si sax ah u sheegi karta.
Ciidamada ayaa la filayaa in berrito ay sii wadi doonaan hawlgalka uu hadafkiisu yahay inay ku xasilliyaan Aboorey.
Sawirka ka jira goobta ayaa ku tusinaya in Shabaabku ay ku hungoobeen qorshihii ay bilowgii u yimaadeen Aboorey, oo ahaa in ay uga sii gudbaan deegaanka Yasooman, si ay ula wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas ee dhinaca kalena u furan Gobolka Galgaduud ee tagta Dac, Wabxo iyo Ceelbuur.