Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si weyn u go’doomiyay maleeshiyada Al Shabaab ee 20-kii bishii February la wareegtay gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Difaaca Shacabka iyo Ciidanka Gaarka ee NISA ayaa Talaadadii weerar culus ku qaaday degmadaaasi, inkastoo aysan u suurtagelin inay si buuxda ula wareegaan.
Ciidamada ayaa hadda dhinacyada ka jooga degmadaasi, iyadoona waddo walba laga soo xiray Shabaabka ku fara-adeygaya gacan ku haynta degmadaasi.
Ciidamada ayaa xiray waddooyinkii Ceelbaraf ee looga baxayay Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi, ka dib dagaalkii lagu riiqmay ee shalay ka dhacay gudaha iyo duleedyada Ceelbaraf.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay xitaa xireen waddada marta hawdka galbeed ee Ceelbaraf ee xiriirisa Gobolada Shabellah Dhexe iyo Galgaduud, sidoo kalena u furan dhinaca Gobolada Koonfureed, taasoo meesha ka saareysa in gurmad ay helaan Shabaabka Ceelbaraf.
Ciidamada ayaa la filayaa in ay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Shabaabka ku uruursan degmada istiraatiijiga ah ee Ceelbaraf.
Diyaaradaha dagaalka ayaa dul taagan degmadaasi oo saacad kastana ay duqayn ku hayaan maleeshiyada ku sugan, iyadoo tanina ay mugdi sii gelinayso masiirka maleeshiyadaasi.
Inta badan dadkii deganaa Ceelbaraf ayay dagaaladu ku khasbeen in ay isaga barakacaan guryahooda, iyadoona la soo sheegayo in illaa xalay ay dadku ka barakacayeen degmadaasi.
Ceelbaraf ayaa noqotay goob dagaal oo maalmihii ugu dambeysay ay ku dagaalamayeen labada dhinac, ka dib qabsashadii Shabaabka.
Ceelbaraf ayaa ka mid ah deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ee ay Shabaabku culeyska soo saareen, si ay u joojiyaan hawlgalka militari ee ku wajahan deegaanada ay ka maamulaan labada gobol ee Hirshabelle.
Ma cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan degmadaasi, haddii aysan helin amaba aan loo furin waddo ay uga baxaan.
Xaaladda ayaa la eegaya waxa ka soo kordha maalmaha ina soo aaddan.