Dowladda Soomaaliyeed iyo xulafadeeda dibadda ayaa bishan kordhiyay duqaymaha cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. Duqaymahan ayaa ciidamada looga caawinaya dagaalka ay kula jiraan maleeshiyadaasi ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle, iyadoona aad xitaa arki karto in duqaymuhu ay ka dhacayaan goobo ka durugsan gobolkaasi.
Turkiga iyo Mareykanka ayaa ah labada dal ee ugu weyn ee Somaliya ka taageera hawlgalka hawada, inkastoo muddooyinkan uu hoos u dhac ku yimid duqaymihii uu Mareykanka ka fulinayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha. Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa dalka keliya ee duqaymaha la beegsada horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Dowladda Itoobiya ayaa waxay hadda u muuqataa inay ku soo biirtay safka dalalka Somaliya ka fulinaya duqaymaha lagu hayo maleeshiyadaasi.
Itoobiya ayaa la fahamsan yahay in 4-tii bishan ay Gobolka Shabellaha Dhexe ka bilowday duqaymo ka dhan ah maleeshiyadaasi. Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaana garaacay goob ay maleeshiyadu kaga sugneyd duleedka deegaanka Daaru-nimca ee gobolkaasi. Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in 15-kii bishan ay duqayn ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Itoobiya ay Isniintii la soo dhaafay duqayn culus ka gaysatay duleedka Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa bilaabay in ay garaacaan goobaha ay ku sugan yihiin Shabaabka, ka dib markii dowladdoodu ay dhawaan xaqiijisay in ciidamadeeda ay qayb ka noqon doonaan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, oo ah hawlgal Dowladda Soomaaliyeed looga gacan siinayo amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo dib boorka uga jafay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ayaad arkaysaa in maleeshiyada uu culeys ka soo fuulay hawlgalka ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe.
Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, Dowladda Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa gobolkaasi ka fuliyay duqayntii ugu ballaarneyd ee Al Shabaab gobol qura loogu gaysto, muddo yar gudaheed.
Duqaymaha gobolka ayaa kordhay maalmo ka dib, markii maleeshiyada Shabaabka ay isku soo fidisay deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddooyinkanba hawlgalka kala socday xafiiskiisa ayaa dhowr cisho ka hor iska xaadiriyay jiidaha hore ee gobolka.
Madaxweynaha ayaa Hirshabelle u tegay waa in la xoojiyo gulufka militari ee lagu wiiqayo Shabaabka, lana sii wado, illaa iyo inta laga xoreynayo deegaanada ay kaga harsan yihiin Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Dowladda Federaalka ayaa la fahamsan yahay in ay saaxiibada caalamiga ah ka codsatay in ciidamadeeda si weyn looga taageero hawlgalka lagu naafeynayo maleeshiyadaasi.
Turkiga ayaa Talaadadii Somaliya soo gaarsiiyay laba ka mid ah diyaaradihiisa dagaalka ee Bayraktar Akınci ee aan duuliyaha wadin.
Hawlgalka hawada ayaan looga maarmi karin hawlgalka sii xoogeysanaya ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay ka wadaan qaybo ka mid ah deegaanada Hirshabelle.
Maleeshiyada Al Shabaab, gaar ahaan kuwooda ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa bishan barakaysan ee Ramadan wajahaya weerarkii ugu weynaa, waana xilli bishan oo kale Shabaabka looga bartay in ay iyagu kordhiyaan weeraradooda.
Toban sano iyo dheeraad, waxa bisha Soon-qaad la iska ilaaliyo ayaa ahaa weerarada ay laba laabaan, kana gaysanayaan magaalooyinka iyo deegaanada uu ka jiro nidaamka dowliga ah. Si ka duwan billaha kale ayay ciidamadu ugu diyaargaroobayeen ka hortagga weerarada ka iman kara maleeshiyada.
Cadaadiska ay Dowladda Federaalka Ramadankan ku hayso Shabaabka ayaa la aaminsan yahay inay hoos u dhigtay weeraradii ay soo qaadayeen, marka aad eegto in goobo badan oo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha aysan bishan ka dhicin weeraradii ay horey uga gaysan jireen, inkastoo ay dhowr goobood weeraro ka gaysteen.
Sanadahanba Ramadanka ayaa dalka ka noqday bisha ay ugu cabsida badan yihiin shacabka Soomaaliyeed, haddii Shabaabka looga bartay in ay kordhiyaan dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weerarada tooska ah.
Inta la xusuusto weli bil Ramadan weerar sidaan u weyn horey looguma qaadin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.
Shabaabka ayaa dalka iyo dunidaba looga tixgeliyaa urur argagixiso, waana mid ka mid ah ururada maanta loogu cambaareynta badan yahay ficiladooda wax burburinta.