Toddobo qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacantay, ka dib duqayn ay Israel galabta ka gaysatay Magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyay guri ay dad shacab ahi deganaayeen, sida ay xaqiijisay dowladda dalkaasi.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqaynta ay ku dhinteen toddobo qof, 46 kalena ay ku dhaawacmeen.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in laba ka mid ah dadka duqaynta lagu dilay ay ahaayeen hablo yaryar.
Kooxaha samatabixinta ayaa weli burburka dhismaha ka baadigoobaya afar qof oo la la’yahay, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Duqayntan ayaa daba socoto mid kale oo xalay ay Israel ka gaysatay magaalo xeebeedka Tyre, ayna ku dhinteen sagaal qof, 38 kalena ay ku dhaawacmeen.
Diyaaradaha dagaalka ayaa lixdii toddobaad ee ugu dambeysay garaacayay bartimaameedyo ku yaala magaaladaasi.
Magaalada qadiimiga ah ee Tyre ayaa caan ku ah goobaha dhaxalka adduunka ee UNESCO, iyadoona dhismayaasha qaar ee loo tixgeliyo goobaha dhaxalka ay ku burbureen duqaymaha Israel.
Israel ayaa magaalada xeebta leh ee Tyre u aragto meel ay ku xoogan yihiin Xoogaga Ururka Xisbullah.
Xukuumadda Beirut ayaa Tel Aviv ku eedeysay inay xasuuq ka gaysaneyso dalkaasi, iyadoo ku marmarsiyooneysa inay la dagaalameyso Xisbullah.