Home Wararka Caalamka Shacabka Falastiiniyiinta oo lagu wargeliyay inay banneeyaan Khan Yunis

Shacabka Falastiiniyiinta oo lagu wargeliyay inay banneeyaan Khan Yunis

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa shacabka Falastiiniyiinta ku amray in ay isaga baxaan deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, sababo ku la xiriira ciidamadooda oo guluf militari ka bilaabaya deegaankaasi, si la mid ah, sidii ay sameeyeenba bishii December.

Taliska Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la doonayo in dadku ay banneeyaan Khan Yunis iyo nawaaxigeeda.

Taliska ayaa ku andacoonaya in Isniintii gantaalo laga soo tuuray deegaankaasi lagu weeraray Israel, ciidamaduna ay ka jawaabi doonaan.

Ciidanka Cirka Israel ayaa isla shalay duqaymo ka bilaabay Khan Yunis, tani oo walaac xoog leh ku keentay dadka deegaanka, kuwaa oo mar kale ka barakacaya deegaankaasi.

Ciidamada Israel ayaa 8-dii bishii April isaga baxay deegaanka Khan Yunis, ka dib dhowr bilood oo dagaalo lagu riiqmay ay kula galeen kooxaha wax iska caabinta.

Ciidamadan ayaa si weyn u burburiyay Khan Yunis, iyagoo aan xitaa gacanta ku soo dhigin xubin ka tirsan kooxaha wax iska caabinta.

Ciidamada Israel ayaa ugu duulay deegaanka, iyaga oo tuhunsanaa in ay ku sugan yihiin Saraakiisha Xamaas, oo uu ugu horreyo Yahya Sinwar, oo ah Gudoomiyaha Xamaas ee Marinka Gaza.

Ka dib bixitaankii Ciidamada Israel, tobanaan kun oo qof oo dadkii deganaa Khan Yunis ayaa dib ugu laabtay guryahooda.

Billihii May iyo June ayaa waxaa sidoo kale Khan Yunis buuxiyay boqolaal kun oo ka mid ah qiyaastii 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo ka soo cararay hawlgalka dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel 7-dii May ka bilaabeen deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc