Home Dhacdooyin Shacabka Israel oo muujiyay, sida ay ugu faraxsan yihiin heshiiska xabad joojinta

Shacabka Israel oo muujiyay, sida ay ugu faraxsan yihiin heshiiska xabad joojinta

by Laacib

Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada ee Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza ayaa bilaabay in ay u dabaal-deggaan heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel ay ku gaareen dalka Qatar.

Dadkan ayaa isugu soo baxay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, si ay u soo dhaweeyaan heshiiska lagu soo sii deynayo maxaabiista.

Waalidiinta dhashay Ciidanka Difaaca Israel ee ku sugan Marinka Gaza ayaa ka qayb qaadanaya dibadbaxa lagu soo dhaweynayo xabad joojinta. Dibadbaxan ayaa waxaa kaloo ku biiray dad si iskood ah isu soo xilqaamay, si ay u taageeraan heshiiska horseedaya in la soo afjaro xiisadda Gobolka Bariga Dhexe.

Colaadda Gaza ayaa xiisad aan caadi ahayn ka abuurtay Bariga Dhexe, iyadoona ay jug culus ka soo gaartay dhaqaalihii Israel.

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa bilowgiiba ku biiray dagaalka, ka dib markii furin labaad ay Israel kaga fureen jiidda waqooyi.

Bil iyo bar ka dib ayaa waxaa dagaalka qayb ka soo noqday Ururka Xuuthiyiinta Yemen, iyagoona bilaabay inay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda. Xuuthiyiinta ayaa sanadkii xigay ee 2024 bilaabay inay si toos ah diyaarado drones ah iyo gantaalo ugu weeraraan gudaha Israel.

Inkastoo Xisbullah iyo Israel ay 27-kii bishii November ku heshiiyeen xabad joojin laga sameeyo labada dal, haddana muddadii uu dagaalku socday Xoogaga Xisbullah ayaa ku dhawaad 100 kun oo Israeliyiin ah ku khasbay in ay ka barakacaan guryahooda waqooyiga Israel.

Xuuthiyiinta ayaanse iyagu joojin weeraradooda ka dhanka ah Israel, iyagoona joojinta weeraradaasi ku xiray in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, lana qaado go’doominta muddada dheer ay Israel ku hayso.

Shacabka Israel ayaa u muuqdo kuwo ku faraxsan in la soo afjaro dagaalka Gaza, kaas oo cawaaqib ba’an ku yeeshay.

Shacabka Israel ayaa muddadii uu dagaalka socdayba walaac ka muujinayay dhibaatada aan horey loo arag ee uu ka abuuray gudaha Israel ee leh amni darrada iyo hoos u dhaca weyn ee ku yimid dhaqaalahoodii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc