Home Wararka Maanta Shacabka Somaliland oo maanta soo dooranaya Madaxweyne

Shacabka Somaliland oo maanta soo dooranaya Madaxweyne

by Laacib

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan Madaxweynaha shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta Saddexda Xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo doorashadii horena sidaan oo kale ugu tartamay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la tartamaya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe.

Saadaasha ayaa muujineysa in tartanka ugu adag uu u dhaxeeyo Madaxweyne Biixi iyo Musharaxa Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, kuwaa oo midkood la qiyaasayo inuu noqon doono hoggaamiyaha xigga.

Ifafaalaha ayaa muujinaya in Cabdiraxmaan Cirro uu ka saamayn badan yahay Musharaxa Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, uuna noqon karo ninka bedelaya Madaxweynaha haatan xafiiska jooga.

Madaxweyne Biixi oo ku guuleystay doorashadii bishii November ee sanadkii 2017 ayaa doonaya in mar labaad uu ku soo noqdo Xafiiska Madaxtooyada, isagoo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye.

Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ayaa waxaa barbar socota tan tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda.

Saddexda Xisbi ayaa waxaa tartanka ku wehlinaya 7-da Urur Siyaasadeed ee la diiwaangeliyay, sida uu mar sii horreysay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf.

Qof kasta oo codeynaya wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiibto laba cod, mid uu ku soo dooranayo Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka iyo mid uu ugu codeynayo ururka uu doonayo inuu ka mid noqdo 3-da Xisbi ee jiri doona tobanka sano ee ina soo aaddan.

In ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof ayaa loo diiwaangeliyay inay codeyn karaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Dhammaan dadka codkooda dhiibanaya ayaa ka codeyn kara 24,650 goobood oo laga hirgeliyay deegaanada Somaliland.

Goobaha codbixinta oo furmay aroornimadii saaka ayaa soo xirmi doona xilliga maqribka, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Somaliland. Isu socodka gaadiidka ee gobolada, magaalooyinka iyo deegaanada ayaa loo hakiyay maalinta codbixinta.

Ma cadda goorta lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah, waxayse qaadan kartaa dhowr maalmood.

Doorashadan ayaa muddo laba sano ah dib uga dhacday xilligeedii, sababo ku aaddan muran hareeyay qabsoomideeda.

Waxay noqoneysaa doorashadii sideedaad ee laga qabto Somaliland, tan iyo intii ay ku dhawaaqday in gooni isu taageeda ay dib uga la soo laabatay Somaliya inteeda kale, muddo haatan laga joogo 33 sano.

Somaliland waxay ku guuleysatay muddadii ay jirtay amni si buuxda la iskugu halayn karo. Daraasadaha ayaana muujinaya in Somaliland ay ka mid tahay goobaha ugu anmniga wanaagsan ee adduunka, inkastoo aysan muddadaasi helin aqoonsi caalami ah.

Dunida ayaa Somaliland ula dhaqanta, una tixgelisa qayb weli ka mid ah Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc