Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay la socdaan Suuriyaankii qaxootiga ku ahaa dalka Lubnaan ayaa u cararaya dalka Suuriya, iyadoo aanu jirin qorshe gaar ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Dadkan oo ka soo qaxaya colaadda ay Israel ku ballaarisay koonfurta dalka Lubnaan ayaan lahayn qorshe ku talagal ah, marka ay gaaraan dalkaasi Suuriya. Dadkan ayuu ujeedkoodu ugu weyn yahay in ay ka nabad galaan weerarada baahsan ee Israel.
Dadkan oo qoysas u badan ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ka gudbayay xuduudda labada dal, iyadoo ay ku jiraan dad Suuriyaan ah oo sanadahaan qaxooti ku ahaa dalka Lubnaan.
Afhayeenka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey (UNHCR) ee Bariga Dhexe, Rula Amin ayaa walaac ka muujisay duqaymaha Israel ee ku sii fidaaya dalkaasi.
“Lubnaan, maalin walba meelaha aad arki karto inay nabdoon yihiin ayaa sii yaraanaya, iyadoo meelaha la beegsanayo ee duqaymaha Israel ay sii fidayaan.” Ayay tiri Rula Amin.
Waxay sheegtay in shacabka ka baxsanaya duqaymaha Israel ee ka gudbaya xuduudda labada dal ay si degdeg ah ku qaateen go’aankoodan, sababtoo ah ma jiro bay tiri qorshe gaar ah.
“Mid kasta oo ka mid ah 1.5 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo hadda ku sugan Lubnaan oo doorta inay ku noqdaan dalkooda, waxaa laga yaabaa inay ogaadaan in gurigoodii hore la burburiyay.” Ayay tiri Rula Amin.
Waxay kaloo sheegtay in dadka reer Lubnaan ee u baxsanaya dalkaasi aysan garaneyn muddada ay joogi doonaan dalkaasi, taasoo ku tusineysa sida ay sheegtay inuusan jirin qorshe ku talagal ah.
Shacabka faraha badan ee ka soo cararaya Lubnaan ayaa lagu arkayaa kontoroolka Al Masnaa, oo ah kan ugu weyn ee la isaga gudbo xuduudda labada dal.
Muuqaalada goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaadiidka ay shacabku ku barakacayaan oo safaf ugu jira, sidii ay uga gudbi lahaayeen kontoroolka xuduudda.
Furinta labaad ee ay Israel ka furtay Bariga Dhexe ayaa waxaa durbaba muuqata saamayntiisa, iyadoona ay dadku ka cabsi qabaan in colaaddu ay soo dhaafto goobaha hadda lagu dagaalamayo.