Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka hadlay dilka Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) loogu gaystay Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa marka hore ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyaha, isagoona sheegay in uu ahaa geesi qaran oo lahaa karti, daacadnimo, aqoon iyo hoggaamin ciidan.
“Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa askarta kale ee Xoogga Dalka ee falkaas wuxuushnimada ah ku geeriyootay, waxaana Alle uga baryeynaa inuu ka aqbalo Shahiidnimadooda, islamarkaana samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelka iyo Ciidamada Xoogga.” Ayuu Shariif Sheekh Axmed ku sheegay bartiisa Facebook.
Shariif Sheekh Axmed ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka ku booriyay in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkaasi, si caddaaladda loo horkeeno dembiileyaasha.
“Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqayaa in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkan guracan, si caddaaladda loo horkeenno dambiileyaasha soo abaabulay.” Ayuu yiri Shariifka.
Korneyl Nuur Farey ayaa maanta lagu dilay deegaanka Cabdow Dibile oo hoostaga Degmada Afgooye, iyadoona uu dilay nin isku soo dhex qariyay ciidamada.
Ninkan oo ku hubeysnaa qori AK47 ayaa la sheegay in uu rasaas huwiyay Taliyaha oo la hadlayay ciidamada oo diyaargarow ugu jiray, sidii ay ugu laaban lahaayeen goobihii ay dhawaan soo banneeyeen ee gobolkaasi, sida Awdheegle iyo Sabiid & Caanoole oo Al Shabaab ay la wareegtay.