Ingiriiska iyo Shiinaha ayaa la kala saftay Mareykanka iyo Ruushka, intii uu socday kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu xalay ka yeeshay dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya.
Labada quwadood ee is diidan waa Ruushka iyo Mareykanka’e ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu hurinayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Kuxigeenka Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobey, James Kariuki oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Ruushka, Iran iyo Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad ku eedeeyay in ay ku suntan yihiin dhibaatada ka jirta dalkaasi.
James Kariuki oo ka gaabsaday inuu cambaareeyo dagaalka ay hoggaaminayaan Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham ee ka dhanka ah dowladda dalkaasi ayaa sheegay in saddexda dowladood ay diidan yihiin in hannaan siyaasadeed xal lagaga gaaro dagaalka Suuriya.
“Dowladda Suuriya oo garabsaneysa taageereyaasheeda Ruushka iyo Iran ayaa abuuray shuruudo xasillooni darro iyo inay sii kordhiyeen xiisadda hadda ka jirta dalkaasi, iyagoo diidan ka qaybgalka xalka siyaasadeed.” Ayuu yiri Kariuki.
Fu Cong, Safiirka Shiinaha u jooga Qaramada Midoobey oo cambaareeyay kooxaha fallaagada ayaa sheegay in weeraradooda ay wiiqeen xasilloonida dalkaasi.
Safiirka ayaa sheegay in kooxahan ay dhibaato ku yihiin nabadgelyada dalkaasi, isla-markaana ay uga sii darayaan xaaladda dalkan.
Ambassador Cong ayaa sidoo kale dhalleeceeyay mowqifka reer galbeedka ee ka hortaga sida uu yiri argagixisada Suuriya.
Dhammaan dhinacyadu waxay isku waafaqsan yihiin in baahi degdeg ah loo qabo in la soo afjaro dagaalkan, waxayse isku maandhaafsan yihiin dhabaha loo marayo.
Reer galbeedka oo kooxaha fallaagada u aqoonsan kuwo mucaarad ah ayaa qaba in ay ka qayb qaadan karaan xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalkaasi, haddii la helo hannaan siyaasadeed oo la isla ogolyaahay oo lagu soo afjarayo colaaddan.
Dowladaha Ruushka, Iran iyo tan ka jirta Suuriya ayaa dhankooda waxay kooxahaasi u arkaan kuwo argagixiso, oo aysan habbooneyn in miiska wada hadalka lala fariisto.
Si kastaba ha-ahaatee Ingiriiska ayaa xulafo la ah Mareykanka, halka Shiinuhu ay isbahaysi yihiin Ruushka, waxayna afartuba ka mid yihiin 5-ta dal ee joogtada Golaha Ammaanka ee leh awoodda diidmada qayaxan ee Veto. Faransiiska ayaa ah dalka shanaad ee leh Veto.