Home Wararka Caalamka Shiinaha iyo NATO oo ay ka dhex tolan tahay

Shiinaha iyo NATO oo ay ka dhex tolan tahay

by Laacib

Shiinaha ayaa si adag u beeniyay eedeymaha kaga yimid Hoggaamiyeyaasha Gaashaanbuurta NATO ee ku saabsan in Beijing ay Ruushka ku gacan siineyso dagaalka dalka Ukraine.

Madaxda dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa shirkoodii Washington ka soo saaray in Beijing ay taageero aan caadi ahayn siiso Moscow.

Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa eedeyntooda ku xusay in Shiinuhu uu noqday suurtageliye go’aan leh, marka la eego taageerada nooc kastaba leh ee ay siiyaan saldhigyada warshadaha difaaca Ruushka, iyadoona shir madaxeedkan si weyn looga dooday colaadda Ukraine iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada dalalka xulafada ay siiyaan Ukraine, si ay isaga caabiso weerarada Ruushka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa Warbaahinta u sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay dalkiisa ay yihiin kuwo ka badbadis ah.

“Kor u qaadista NATO ee ku aaddan masuuliyadda Shiinaha ee arrinta Ukraine waa wax aan macquul ahayn, waxayna NATO ka leedahay ujeedooyin xun.” Ayuu yiri Afhayeenka.

“Nuxurka la xiriira Shiinaha wuxuu ahaa mid ay ka buuxaan eex, aflagaaddo iyo daandaansi, taas oo Wakiilada NATO ay soo gudbiyeen.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenka oo intaasi ku daray in Shiinuhu uu mowqif xaq ah oo quman ka haysto arrinta Ukraine.

Waxa uu ku eedeeyay Hoggaamiyeyaasha NATO inay xiisad ka hurinayaan Gobolka Asia-Pacific, ka dib go’aankooda ay xiriir adag kula yeelanayaan dalalka gobolka qaarkood, sida Japan, Koonfurta Kuuriya iyo Filibiin, si culeys siyaasadeed iyo mid amniba loogu saaro Shiinaha.

“Ku dhawaaqidda shir madaxeedka NATO ee Washington waxa uu buunbuuniyay xiisadda ka taagan Gobolka Asia-Pacific, waxaana ka buuxda maskaxdii & hab fekerkii dagaalkii qaboobaa iyo hadaladii khalafsanaa.” Ayuu yiri Lin Jian.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa Shiinaha ku eedeynaya in xitaa uu diiday inuu cambaareeyo duulaankii Ruushka ee Ukraine iyo inuu jebinayo cunaqabateynada ay saareen Moscow, si loogu ciqaabo duulaankaasi.

Bayaan ay soo saareen Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa lagu sheegay in Shiinuhu uu noqday awoodda dagaalka, ka dib iskaashi aan xad lahayn oo ay ku eedeeyeen inuu la sameystay Ruushka.

Xiriirka ganacsiga Shiinaha iyo Ruushka ayaa xoogeystay, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi Ukraine, iyada oo Beijing lagu dhalleeceeyay inay hoos u dhigtay saamaynta cunaqabateynada reer galbeedka.

Lin Jian, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in iskaashiga ganacsiga ee Beijing iyo Moscow uu yahay mid sharci ah, oo ku saleysan xeerka ganacsiga caalamiga ah.

Shiinaha ayaa taageeray walaaca Ruushka uu ka muujiyay in is ballaarinta NATO ee xuduudihiisa ay khatar ku tahay amniga dalkiisa.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa Khamiistii sheegay in kaabeyaasha militari ee NATO ay si joogto ah ugu soo dhawaanayaan xuduudaha Ruushka.

Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in khatar aad u weyn ay ku tahay ammaanka qaranka, ballanqaadka NATO ee la xiriira in taageero militari oo dheeraad ah la siin doono Kyiv, taas oo sida uu sheegay ay Moscow kaga jawaabi doonto habab la isku daba riday oo looga hortaggayo ficilkaasi.

NATO ayaa hadda u gogol xaareysa in Ukraine ay xubin rasmi ah ka noqoto dalalka isbahaysiga, tallaabadan oo sii hurin karta xiisadda aadka u sarreyso ee u dhaxeyso Ruushka iyo NATO.

Ruushka ayaa horaan ku andacooday in sababta uu u weeraray Ukraine ay ka dambeysay, ka gadaal markii uu xoogeystay xiriirka iyo iskaashiga ee NATO iyo Ukraine, isla-markaana ay baalmarsan tahay wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, ee ahayd inaysan xuduudihiisa ku soo fidin.

Shiinaha ayaa hadda waxa uu qudhiisu walaac ka muujinaya in NATO ay isku soo fidiso Gobolka Asia-Pacific ama Indo-Pacific. Australia, New Zealand, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa toddobaadkan hoggaamiyeyaashooda ama kuxigeenadooda u diray shir madaxeedka NATO.

Shiinaha ayaa xiriirka cusub ee NATO iyo wadamada Indo-Pacific u arka mid caqabad amni ku ah dalkiisa.

“Shiinuhu wuxuu ku boorinayaa NATO inay joojiyaan faragelinta siyaasadda gudaha ee Shiinaha, isla-markaana aysan fowdo ka abuurin Asia-Pacific, ka dib markii ay qalalaase ka abuureen Yurub.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc