Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi oo khadka teleefanka kula xiriiray dhiggiisa Israel ayaa u sheegay inay joojiyaan masiibada bani’aadantinimo ee ay ka abuureen Marinka Gaza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Israel Katz ka dalbaday inaysan sii socon dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee Gaza iyo isku dhacyada ku sii baahaya Gobolka Bariga Dhexe.
Wasiirka ayaa Israel uga digay in kororka rabshadaha aysan xal u noqon karin welwelka sharci ee dhammaan dhinacyada.
“Rabshadaha sii socda si dhab ah uma xalin karaan welwelka sharci ee dhammaan dhinacyada.” Ayuu Wasiirku ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Wasiirka ayaa xusay in Shiinuhu uu rumeysan yahay in colaadda iyo qulqulatooyinka ka jira gobolka ay yihiin kuwo aan cidina u adeegeynin.
Wang Yi ayaa sheegay in dalkiisu uu rajeynayo in dhammaan dhinacyadu ay u dhaqmaan si taxadar leh, si ay uga fogaadaan buu yiri inay ku dhacaan wareegyo xun oo dagaal ah, iyada oo ay kordheyso baqdinta laga qabo in uu dagaal ka dhex qarxo Israel iyo Iran.
Mr. Yi ayaa ku baaqay in xabad joojin degdeg ah oo dhameystiran laga sameeyo Marinka Gaza iyo sii deynta dhammaan la haysteyaasha.
Dunida ayaa ka walaacsan dagaalka sii daba dheereynaya ee Gaza, dembiyada dagaal ee muddada dheer la iska indha tirayay iyo colaadda ay haatan Israel sida qotada dheer ugu ballaarisay dalka Lubnaan oo dhan.
Xabad joojin waarta oo laga dhaqangeliyo Marinka Gaza ayay dad badani qabaan inay keeni karto in la xakameeyo xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta Bariga Dhexe, inkastoo ay Israel ka caga-jiideyso.
Israel ayaa toddobaadkii hore qaadday tallaabooyin ay uga sii dareyso xaaladda nololeed ee dadka reer Gaza, waana sanad ka dib oo Marinka Gaza ay ka wadday xadgudubyo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, si ay ugu xaqiijiso guusheeda dagaalka.
Inkastoo Israel ay dhibaato ka haysato inay si dhakhsa ah uga adkaato Ururka Xamaas ayay haddana isku dayeysaa inay kordhiso masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ee ay sanad ka hor ka abuurtay Gaza.
Hay’adaha gargaarka bani’aadantinimo ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa Israel ku eedeynaya inay si buuxda u hortaagan tahay in kaalmada aadka loogu baahan yahay la gaarsiiyo waqooyiga Marinka Gaza, taasoo ah nooc dagaal oo wadar ahaan loogu ciqaabayo shacabka tabaaleysan.
Israel waxay muddo dheer u dhaqmeysay, sida inaysan ahayn dowlad ixtiraamta shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.