Shiinaha ayaa toddobaadka soo socdo martigelin doona shir u dhaxeeya Ururada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Fatax, si loo dhameeyo khilaafka dhexdooda ah.
Dowladda Shiinaha ayaa martiqaad u fidisay saraakiil sarsare oo ka tirsan labada urur ee iska soo horjeeda, sida uu daabacay Wargeyska The New York Times.
Labada dhinac ayaa ku kulmaya Caasimadda Beijing, waana wareeggii labaad oo wada hadalo ah oo Shiinuhu uu isugu keenayo dhinacyadaasi, ka dib wada hadaladii bishii April.
Inkastoo aanu Shiinuhu weli ka hadlin wada hadaladan, haddana saraakiil ka tirsan Xamaas iyo Fatax ayaa laga soo xigtay in Shiinuhu uu ka shaqeynayo, sidii loo soo afjari lahaa khilaafkooda.
Beijing ayaa dooneysa, ka hor inta aan loo dhaqaaqin shirweyne caalami ah oo lagu soo dhisi karo dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta in marka hore la mideeyo aragtiyada is diidan labadan urur. Xamaas ayuu fadhigeedu yahay Marinka Gaza, halka Fatax ay xarunteedu tahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa horey ugu baaqay shir dib-u-heshiisiin oo suurtagal ah, iyadoo markaasi laga shaqeynayo joojinta colaadda Gaza.
Shiinaha oo xulafo la ah Iran ayaa diidan fal dembiyeedyada ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Israel ayaa la fahamsan yahay in ay curyaamisay heshiiskii midnimada ee ay Fatax iyo Xamaas sanadkii 2011 ku gaareen Magaalada Qaahira.
Labada dhinac ayaa 4-tii bishii May ee sanadkaasi ku heshiiyay in la dhiso xukuumad ku-meel-gaar ah, si loogu diyaargaroobo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, iyagoo markaasi yeelanaya hal maamul oo ay ku mideysan yihiin.
Israel ayaa oo adeegsaneysa xeeladaheeda ayaa ku guuleysatay in dhinacyadaasi ay dab ka dhex shiddo, midba midka kalena uu u arko cadow ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.
Xamaas waxaa hoggaamiya Ismail Haniyeh, halka Fatax hoggaamiyaheeduna uu yahay Mahmoud Abbas, oo hadda ah Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta.
Dhawaan, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay ka gudbaan khilaafka dhexdooda ah, si caalamka uu ugu istaago dhismaha dowlad ka barbar dhalata Israel.