Shiinaha ayaa sheegay in la sii daayay markabkiisii muddooyinkan afduubka loogu haystay xeebaha Somaliya, gacantana ugu jiray kooxaha burcad badeedda.
Markabkan oo nooca kaluumeysiga ah, isla-markaana ay la socdeen 18 shaqaale ayaa waxaa bishii November qafaashay kooxaha burcad badeedda, kuwaa oo muddooyinkan ku haystay xeebaha Puntland.
War qoraal ah oo ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ee Somaliya ayaa lagu sheegay in la soo samatabixiyay shaqaalaha iyo markabkaba, ka dib dadaalo aan kala go’ lahayn.
“Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa si nabad ah loo soo badbaadiyay 13-ka January.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinaha ay si dhow sii deyntooda uga la shaqeysay Dowladda Soomaaliyeed iyo Maamulka Puntland.
Warka laguma sheegin cadadka lacageed ee madax furashada loo siiyay kooxaha burcad badeedda, balse kooxahaasi ayaa bishii December dalbaday 10 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah.
Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Wang Yu oo 9-kii bishan booqasho ku tegay Puntland ayaa la kulmay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadlay arrimo ku saabsan sii deynta markabka iyo dhammaanba shaqaalihii la socday.
Afduubkan ayaa kordhiyay baqdinta laga muujinayo inay xoogeystaan weerarada kooxaha burcad badeedda.
Hay’adda Caalamiga ah ee Arrimaha Badaha ee International Maritime Bureau ayaa sheegtay inuu kordhay walaaca laga qabo in weerarada kooxaha burcad badeedda ay xargaha goostaan.
Weerarada kooxaha burcad badeedda ayaa dib u soo laba kacleeyay daba-yaaqadii sanadkii 2023, ka dib muddo 10 sano ah oo laga nastay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee mareysa xeebaha Somaliya iyo biyaha ka baxsanba.
Weerarada kooxaha burcad badeedda ayaa si lama filaan ah sare ugu kacay, ka gadaal markii Xuuthiyiinta Yemen ay bilaabeen inay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ku weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda.
Burcad badeedda Soomaalida oo mar ahaa awood muuqata ayaa carqaladeeyay isu socodka maraakiibta ganacsiga ee biyaha caalamiga ah.
Kooxaha burcad badeedda ayay weeraradooda meeshii ugu sarreysay gaartay sanadkii 2011, markaas oo la sheegay in ka badan 237 weerar inay ka gaysteen xeebaha iyo biyaha ka baxsan Somaliya. Burcad badeedda oo xilligaasi ku baahday xeebaha dalka ayaa la sheegay inay dunida uga baxday 7 bilyan oo dollar, iyadoo $160 milyan lagu bixiyay madax furashada maraakiibtii ay qabsadeen, sida a sheegtay Kooxda La socodka Burcad Badeedda ee Oceans Beyond Piracy.
Dadaalo heer caalami ah oo ay qayb ka ahaayeen Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka qaarkood ayaa si weyn u xakameeyay weeraradii kooxaha burcad badeedda.