Shirka hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah G7 ayaa Khamiistii ka furmay deegaanka Borgo Egnazia ee gobolka koonfurta Talyaaniga ku yaala ee Puglia, iyadoona ay madaxdu kaga arrinsaneyso arrimo ay ugu waaweyn yihiin colaadda Gaza, Ukraine, Afrika, isbedelka cimilada adduunka iyo teknolojiyadda.
Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay riixi doonaan qorshaha xabad joojinta ee colaadda Gaza, ka dib sideed bilood oo dagaalo culus ay ka socdeen.
Qorshahan oo uu soo bandhigay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa waxaa Isniintii ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si loo soo afjaro dagaalka ay dadka faraha badan ku dhinteen.
G7 oo la isku yiraahdo dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka, Japan iyo Canada ayaa horey u taageeray qorshaha saddexda weji ka kooban ee xabad joojinta dagaalka Gaza, maxaabiis is dhaafsiga iyo dib u dhiska dhulkii la burburiyay.
Dhanka kale hoggaamiyeyaasha G7 ayaa la sheegaya in ay ku heshiiyeen mabda’ ahaan qorshe lacag dhan 50 bilyan oo dollar amaah ahaan lagu caawinayo Ukraine, si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka. Lacagtan ayaa lagu sheegay faa’iidada dulsaarka ee laga helo hantida Ruushka ee la xanibay, ka dib duulaankiisii Ukraine.
Lacagtan ayaa laga yaabaa inay gaarto Ukraine, ka hor dhammaadka sanadkan, sida laga soo xigtay Saraakiisha Mareykanka iyo Faransiiska oo xaqiijiyay heshiiska ay madaxdu gaareen, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin dhawaan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo ku sugan Talyaaniga ayaa sheegay in uu rajeynayo in go’aamo muhiim ah laga soo saari doono shirkaasi, kuna saabsan mustaqbalka dalkiisa.
Shirkan oo socon doono muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa in madaxdu ay geba-gabadiisa ka soo saaraan go’aamo la xiriira waxyaabaha ay iska wareysanayaan.