Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho, iyadoona uu shir guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ka furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

“Shirkan ayaa looga arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta, dhameystirka dayn-cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ka qaybgalay shirka, waxaana la filayaa in ay dib kaga soo biiraan Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Raysal Wasaare Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaan shirkan iyo kii ka horreyay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ka soo qaybgelin, sababo ku aaddan khilaafka muddooyinkii ugu dambeysay soo ifbaxay ee kala dhaxeeya Madaxda Qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc