Home Wararka Maanta Shirka Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Dowlad Goboleedyada oo isha lagu hayo

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Dowlad Goboleedyada oo isha lagu hayo

by Laacib

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii labaad ka soconaya Villa Somalia, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxaa shirka ku wehlinaya Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo weliba Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa mar sii horreysay sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha amniga dalka, gaar ahaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, dhameystirka hannaanka dimoqraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta madaxda uga socda Xarunta Madaxtooyada Qaranka diiradda lagu saarayo Doorashada Dowlad Goboleedyada uu muddo xileedkoodu dhammaaday.

Inkastoo uu shirku yahay mid ay albaabada u xiran yihiin, haddana Warbaahinta ayaa isha ku haysa waxyaabaha ay iska yiraahdaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaa oo si weyn isugu khilaafsan cidda maamuleysa doorashada bisha November ka qabsoomeysa Koonfur Galbeed.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa bartamihii sanadkii 2023 ku heshiiyay in Doorashada Dowlad Goboleedyada uu muddo xileedkoodu dhammaaday la qabto daba-yaaqada sanadkan, doorashaduna ay noqoto mid qof iyo cod ah.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Laftagareen waxay qirsan yihiin inaysan suurtagal ahayn in doorasho qof iyo cod ah haatan laga qabto deegaanada Koonfur Galbeed, haddana dhibaatada ayaa ka taagan cidda maamuleysa doorashada Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa doonaya in doorashada dadban ee laga qabanayo Baydhabo uu maamulkiisu maamulo, taas oo Dowladda Federaalka ay ka biyo diidan tahay.

Villa Somalia ayaa dalbaneysa in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee la magacaabi doono ay maamulaan doorashadaasi.

Shirka ayaa la filayaa in maalmaha ina soo aaddan uu ka sii socdo Magaalada Muqdisho, iyadoona ay suurtagal tahay in madaxdu ay ka soo saaraan go’aamo ay ku mideysan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc