Home Dhacdooyin Shirka Ruushka iyo Mareykanka oo ka furmay Magaalada Riyadh

Shirka Ruushka iyo Mareykanka oo ka furmay Magaalada Riyadh

by Laacib

Dowladaha Ruushka iyo Mareykanka ayuu maanta shir uga furmay Magaalada Riyadh, iyadoona ajandaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo uu yahay dagaalka Ukraine.

Dhinaca Ruushka ayaa waxaa shirka uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sergey Lavrov iyo Yuri Ushakov, oo ah La taliyaha Siyaasadda ee Madaxweyne Vladimir Putin.

Sidoo kale dhinaca Mareykankana waxaa uga qaybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, La taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz iyo Ergayga Madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Shirka oo Boqortooyada Sacuudiga ay martigelineyso ayaa loogu gogol-xaaraya in nabad ay ka dhacdo dalka Ukraine, ka dib saddex sano oo dagaal ah.

Shirkan ayaa noqonaya wada hadalkii ugu horreyay ee toos ah ee ay yeeshaan Moscow iyo Washington, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay duulaanka ku qaadeen Ukraine.

Shirka ayaa imanaya maalmo yar uun ka dib, markii Madaxweyne Donald Trump uu khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Ruushka, isla-markaana ay isku waafaqeen in la bilaabo dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine.

Trump ayaa dabada ka riixayay wada hadalada laba geesoodka ee Riyadh, oo looga hadlayo masiirka dal aan wax door ah ku lahayn miiska wada hadalka.

Shirka ayaa sidoo kale ay labada dal doonayaan in ay ku hagaajiyaan xiriirkii iyo cilaaqaadkii labada dowladood.

Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Aqalka Kremlin-ka ayaa labaduba bogaadiyay shirka Riyadh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc