Home Wararka Caalamka Shirkadda Hormuud Telecom oo mar kale taariikh sameysay

Shirkadda Hormuud Telecom oo mar kale taariikh sameysay

by Laacib

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa qortay bog cusub oo taariikh ah, ka dib markii ay tartan caalami ah kaga guuleysatay shirkado badan oo kula tartamayay abaalmarinta caalamiga ah ee waxtarka ama kaalmeynta bulshada.

Munaasabad habeen hore ka dhacday Magaalada London ayaa Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay shirkadda ugu wanaagsan ee taakuleysa bulshada.

Hormuud ayaa tartanka adag la gashay shirkado isgaarsiineed oo ka kala socday qaaradaha adduunka, waxaana tartanka isugu haray illaa sideed shirkadood, oo markii dambena ay kaalinta koowaad ku soo baxday Hormuud Telecom.

Abaalmarintan oo ah mid sanad kasta ay bixiso Shirkadda Total Telecom ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa lagu bixiyaa qiimeynta ay sameeyaan khubaradeeda, iyadoo meelo kala duwan laga eegayo u khidmeynta bulshada.

Khubaradii wax qiimeysa ee Total Telecom oo baaritaankooda soo waday billihii u dambeeyay ayaa isku raacay in Hormuud Telecom ay tahay shirkadda ugu wanaagsan ee sanadkan 2024, iyadoona ka saamayn badatay 7-dii shirkadood ee kale ee kula soo haray tartanka, kuwaa oo ay ka mid yihiin Shirkadda GSM Systems ee Mareykanka, Telia ee Norway, SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed, Telecom Egypt ee Masar, Moldcell ee Moldova, PLDT & Smart ee Filibiin (Philippines) iyo Digicel ee dalka Jamaica.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in shirkaddu ay abaalmarinta ku muteysatay wax u qabashada bulshada.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in markii ugu horreysay ay noqoneyso oo Hormuud Telecom ay ku guuleysato abaalmarintan caalamiga ah, inkastoo sida uu sheegay ay shirkaddu ku guuleysatay abaalmarino kaloo caalami ah.

Bishii hore ee November ayay ahayd, markii Hormuud Telecom ay ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝗖𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗻𝗰𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗲𝗱 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱, oo ay bixiso Madasha 𝗚𝗹𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱𝘀 ee Warbaahinta 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee dalkaasi Ingiriiska. Abaalmarintan ayaa lagu guddoonsiiyay waa inay isku xirtay dunida iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka fog ee miyiga dalka.

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa ah shirkadda ugu weyn ee isgaarsiineed ee dalka, waana mid ka mid ah shirkadaha ugu hormarsan dhanka tiknoolajiyadda ee dunida.

Marka laga soo tago in Hormuud Telecom ay bixiso adeegyada isgaarsiinta teleefanada, internet-ka iyo hannaanka lacagaha moobeelada la isugu diro ee EVC Plus, haddana waxay gacan ka gaysataa taakuleynta dadka danyarta ah iyo sanad kasta oo deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah ay siiso tobanaan arday ah oo dhameysatay Dugsiga Sare, si looga caawiyo waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda, kuwaa oo aysan waalidiintoodu awoodin inay ka bixiyaan kharashka jaamacadda.

Masuuliyiinta shirkadda ayaa horey deeqdan waxbarasho ugu sheegay mid ay shirkaddu ugu talagashay in lagu daydo, si loo garab istaago bahda waxbarashada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc