Taliyaha Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) ayaa ku laabtay Galmudug, isagoona sheegay in hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab uu si degdeg ah uga bilaabanayo deegaanada Galmudug.
Taliyaha iyo saraakiil uu horkacayo ayaa Isniintii gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ka gadaal markii Dowladda Federaalka ay ka soo wareejisay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, si ay wax uga hoggaamiyaan hawlgalka Galmudug.
Taliyaha oo shalay galab Warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in hawlgalku uu noqon doono mid dalka lagaga ciribtirayo maleeshiyadaasi.
Inkastoo General Laba Afle uu wax ka hoggaaminayay wejigii koowaad ee hawlgalka, kaas oo Shabaab lagaga saaray dhul ballaaran oo ay ka haysteen Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa haddana soo baxaya warar sheegaya in Madaxtooyada Galmudug ay ka walaacsan tahay imanshihiisan Dhuusamareeb.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dareen ka muujineysa ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun oo ka mid ah xubnihii la socday jananka.
Saraakiil aan magacyadooda la sheegin, kana tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa laga soo xigtay in jananku uu ciidamo gaar ahi u qorayo Mahad Maxamed Salaad, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo xusul-duub ugu jira doorashada Galmudug, ganacsadahana ay ka dambeeyaan koox ganacsato ah oo dhaqaalaha ka taageeraya.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadan ay noqon doonaan kuwo ka madaxbannaan askarta Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, isla-markaana u badan heybta Mahad Salaad.
Imanshaha jananka iyo xubnaha la socda ayaa hadal hayn ka dhalisay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona ay dadka qaarkii ka baqdin qabaan inay xasillooni darro u horseeddo dadka deegaanka.
General Laba Afle, markii uu Warbaahinta kula hadlayay Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in ay ku socdaan amar la xiriira hawlgalka la dagaalanka Al Shabaab.
“Howsha aan u hawlgalaynaa waxa weeye Khawaarijta inaan la dirirno, Shabaabka in lala diriro.” Ayuu yiri jananka oo xusay in ay jiidda hore ka hawlgali doonaan.
Jananka ayaa dadka reer Galmudug ka codsaday inay gacan ka gaystaan hawlgalka uu sheegay in dalka lagaga suulinayo Shabaabka.
“Ujeedkeennu wax kale ma ahanee waa Khawaarijta inaan la dirirno, inaan ku dhaqaaqno hadduu wiil yahay, hadduu oday yahay, hadday gabar tahay, hadduu ganacsade yahay iyo hadduu shiikh yahayba hala kaco. Haloo kaco inaan iska qaadno.” Ayuu sii raaciyay jananku.