Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ayaa xalay gaaray heshiis lagu soo afjarayo xiisadda labada dal ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya 1-dii bishii January la gaartay Somaliland. Heshiiskaas oo Dowladda Soomaaliyeed ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah ayaa khilaaf ba’an ka dhex dhaliyay labada dal.
Wada hadal ay Dowladda Turkiga garwadeen ka ahayd ayaa saqdii dhexe ee xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Ankara, ka dib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu kulan isugu keenay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed.
Kulanka ayaa laga soo saaray warmurtiyeed lagu dhameynayo khilaafka labada dal, iyadoo la iska ilaabayo wixii xiisadda keenay, labada dalna ay bilaabaan bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay heshiiska cusub ee labada dal, oo loogu magac-daray (Bayaankii Ankara), kaas oo lagaga gudbayo xiisadda 11-kii bilood ee la soo dhaafay soo jiitameysay.
“Waxaan qaadnay tallaabadii ugu horreysay oo bilow cusub u ah, kuna saleysan nabadda iyo iskaashiga Somaliya iyo Itoobiya, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. Ujeedada aasaasiga ah ee Turkiga ayaa ah in la helo nabad iyo xasillooni Geeska Afrika ah oo u dhaxeysa Somaliya iyo Itoobiya.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Erdogan ayaa sheegay in heshiiska ay labada dhinac ku heshiiyeen uu aasaas adag u noqon doono iskaashi iyo barwaaqo ku dhisan is ixtiraam.
“Waxaan rumeysanahay in heshiiska wadajirka ah ee ay ku heshiiyeen Somaliya iyo Itoobiya uu aasaas adag u noqon doono iskaashi iyo barwaaqo ku dhisan is ixtiraamid.” Ayuu yiri Erdogan.
Heshiiska ayaa taageeraya in Itoobiya aysan dhinacyada dalka la geli karin wax heshiis ah, iyadoo aan ogolaansho laga haysan Dowladda Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka.
Inkastoo aan heshiiska lagu soo hadal qaadin heshiiskii is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland, haddana nuxurka bayaanka Ankara ayaa wixii hore ka dhigaya mid waxba kama jiraan, si loo bilaabo cutub cusub.
Heshiiska kuma cadda meel illaa iyo hadda Itoobiya bad lagu siiyay, balse taasi kama reebna inay bad heli karto, haddii ay u soo marto waddo sharci ah.
Turkiga oo ah dal saaxiib la ah labada dal ayaa qaaday tallaabadan lagu hagaajinayo xiriirkooda, xilli xiisaddooda si weyn looga dareemay Gobolka Geeska Afrika, Itoobiyana ay wadday isku dayo ay ku fara-gelineyso arrimaha gudaha ee Somaliya.
Labada dal ee deriska ah ayaa si weyn ugu kala fogaaday xiisaddan, waxaana uu xiriirkoodu gaaray meeshii ugu hooseysay, tan iyo dagaalkii dhex maray sanadkii 1977-kii.
Dejinta xiisadda siyaasadeed ee labada dal ayaa muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara, marka aad eegto joogitaankeeda Somaliya iyo xiriirka & iskaashiga ganacsi ee ay la leedahay Addis Ababa.
Turkiga ayaa loo arkaa mid ku habboon doorkiisan dhexdhexaadineed, sababtu tahay saamaynta togan ee uu ku leeyahay labada dal, waxayse dadku eegayaan, sida uu heshiiskan u dhaqangalo.