Somaliya ayaa waxaa Khamiistan u bilaabatay laba sano oo xubin ay ka noqoneyso 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Somaliya ayaa 6-dii bishii June ee sanadkii 2024 loo doortay inay xubin ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxayna noqoneysaa markii ugu horreysay oo dhowr iyo konton sano ka dib ay ku soo laabato Golaha Ammaanka.
Somaliya oo kursigan ku meteleysa Afrika ayaa horey u soo qabatay muddo xileedkii 1971-kii illaa 1972-kii.
Golaha Ammaanka ayaa ka kooban 15 xubnood (5 joogto ah iyo 10 aan joogto ahayn. Dalalka aan joogtada ahayn ayaa ah kuwo la soo doorto. 5-ta dal ee joogtada ah ayaa kala ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muuqaal uu soo duubay kula hadlay ummadda Soomaaliyeed ayaa la wadaagay farxadda taariikhiga ah.
“Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto waan salaamayaa, salaan ka gadaal waxaan maanta idiin la wadaagayaa farxad weyn oo taariikhi ah, ka dib markii 54 sano ka dib ay Somaliya ku biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. 54 sano ka hor ayaan mar xubin ka noqonay, maanta ayaana mar kale xubin ka noqonay oo bisha Jaunary ay tahay 2.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa yiri “Taas waxay tilmaameysaa soo kabashada iyo soo noqoshada Somaliya iyo sida ay Somaliya hore ugu socoto. Taas waxay tilmaameysaa ammaanada Somaliya lagu aamini karo go’aamada caalamiga ah inay qayb ka qaadato. Taas waxaa lagu aamini karaa Somaliya inay si masuuliyad ku jirto ay uga hadleyso qaddiyadaha caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo kuwa goboleed, intaba. Sidaasi daraadeed ummadda Soomaaliyeed sharaf, haybad iyo farxad ayay u tahay maanta inaan dib ugu soo noqonay 54 sano ka hor meeshii aan joognay.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in farxaddaasi ay la socoto masuuliyad aad u weyn, oo dalka ka saaran danaha dunida iyo bulshada caalamkaba.
Waxa uu sheegay in diblomaasiyiinta Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ay kulamada looga hadlayo arrimaha caalamka ay diiradda ku saari doonaan ajandeyaasha Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
“Sidaas oo kale waxaan diiradda xoog u saari doonnaa cid kasta oo caalamka joogta ee tirsaneysa inay dulman tahay inaan garab istaagno, codkeenana aan ugu hiilino qaddiyadoodana aan fagaaraha dhexgayno, kana hadalno, una dadaalno intii karaankeenna ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Ma garab siin doono dulmi nooc kasta oo uu yahay iyo mustawa kasta uu yahayba. Ma garab siin doono in dadka qaarkiis lagu xadgudbo ama la dulmiyo. Waxaan garab siin doonnaa kuwa xaqoodu maqan yahay, kuwa dulmigu haysto, kuwa codkoodu gaabtay ee u baahan in codkooda kor loogu qaado ayaan codkooda kor ugu qaadi doonnaa oo aan baahin doonnaa, inta aan meesha joogno.”
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliya ay iska bixisay lacagihii qaaraanka ee Qaramada Midoobey ee dalka lagu yeeshay 34-kii sano ee ugu dambeysay.
“Mahadi haka gaarto dadka Soomaaliyeed, guud ahaan ee u istaagay inay qaaraankaasi iska bixiyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Somaliya ayaa Algeria ku wehlin doonta kulamada Golaha Ammaanka. Algeria ayaa muddooyinkan ahayd Wakiilka Carabta ee golahaasi ee ballanqaaday in muddada ay xilka hayaan ay ka shaqayn doonaan, sidii meel fog ay ku gaari lahayd qaddiyadda qaranimada ee Falastiin.