Dowladda Somaliya ayaa ku adkeysanaysa in Militariga Itoobiya aysan qayb ka noqon doonin hawlgalka cusub Midowga Afrika ee bedelaya ATMIS.
Hawlgalka AUSSOM ayaa lagu wadaa in 1-da bisha January ee sanadka 2025 ay shaqada kala wareegaan Ciidanka ATMIS, maadaama uu waqtigeedu ku egyahay 31-ka bisha December ee sanadkan 2024.
Militariga Itoobiya ayaa hadda qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, waxayna diidmada Dowladda Somaliya ay ka dambeysay, ka dib heshiiskii is afgaradka badda ee ay Addis Ababa 1-dii bishii January ee sanadkan la gaartay Somaliland, heshiiskaas oo Villa Somalia ay ku tilmaamtay mid sharci darro ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya aysan marnaba qayb ka noqon doonin hawlgalka cusub ee bilaabanaya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu xitaa booqan doonin dalka Itoobiya, xilli maalmihii la soo dhaafay uu booqanayay dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu wadatashiyo u tegay dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya, ha yeeshee aanu booqaneyn Itoobiya, inta ay ka laabaneyso xadgudubkeeda ka dhanka ah sida uu sheegay madaxbannaanida dalka.
“Itoobiya ma aadayno, umana socono. Itoobiya sidaad la socotidba waxay ku xadgudubtay qaranimadeenna, midnimadeenna iyo madaxbannaanideenii, heshiis beenaad ayayna la saxiixatay Gobolada Waqooyi. Marka Itoobiya ma u socono, mana rajeynayno haddeer inay ka mid noqoto hawlgalka soo socda.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Jaamac ayaa sheegaya dalalka kale ee ay ciidamada ka joogaan dalka inaysan dhib gaar ah isku qabin, inkastoo sida uu sheegay aan illaa iyo hadda wax go’aan ah laga gaarin dalalka ay ciidamadooda ka midka noqonayaan hawlgalka cusub ee howlaha amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab lagaga gacan siinayo Dowladda Somaliya.
“Hawlgalka soo socda, sida ay horey dowladdu u caddeysay, haddaynaan ka laaban heshiis beenaadkaas, Itoobiya kama mid noqoneyso hawlgalka.” Ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Wasiir Jaamac oo BBC la hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka AUSSOM uu noqon doono mid kooban, marka loo eego Hawlgalka ATMIS.
“Hawlgalku wuxuu noqon doonnaa hawlgal ku eg xarumaha waaweyn ilaalintooda iyo magaalooyinka ay dadweynuhu ku badan yihiin qaybo ka mid ah inay joogaan, tiradana intii hore way ka yaraan doontaa oo tiro aad u yar bay noqon doontaa. Waxaa kaloo hawlgalkaasi qayb ka noqon doona hawlgalada hadda dalka ka socdo, ciidamada aan is leenahay waxay ka caawin karaan arrimaha hawada ayaa iyagana qayb ka noqon doona.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somaliya.
Su’aal ahayd dalalka illaa iyo hadda la ogyahay inay qayb ka noqon doonaan hawlgalka cusub oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Waxaan kuu sheegi karaa inaysan Itoobiya ka mid ahaan doonin, laakiin wadamada kale waxay ku soo bixi doonaan rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed iyo ciddii ay ku casuumto, oo ay u garato inay ciidamadeedu ka mid ahaadaan hawlgalkaasi.”
Hawlgalka soo socda ee Midowga Afrika waxaa markii ugu horreysay qayb ka noqon doona ciidamo ka socda dalka Masar, sida ay horey u xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda.
Dowladaha Somaliya iyo Masar ayaa 14-kii bishii August kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashiga difaaca iyo amniga ah. Heshiiskan ayay Wasiirada Gaashaandhigga Somaliya iyo kan Masar General Abdel Mageed Saqr ay ku saxiixeen kulan ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha labada dal oo ka dhacay Caasimadda Qaahira.