Dowladda Spain ayaa maanta Koonfur Afrika ka codsatay in ay kula soo biirto dacwaddeeda ka dhanka ah Israel ee ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ.
Koonfur Afrika ayaa horey Maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwad la xiriirta in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza, ayna soo saarto amar ay Israel ugu sheegeyso inay joojiso gumaadkeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza.
Koonfur Afrika ayaa Israel ku eedeysay inay ku xadgudbeyso waajibaadka ka saaran axdiga mamnuucaya xasuuqa. Axdiga ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa waxaa ansixiyay 153 dalka, iyadoo Koonfur Afrika iyo Israel ay ka mid yihiin dalalka saxiixay axdigaasi.
Maxkamadda ICJ ayaa 24-kii bishii May soo saartay amar ay Israel ku fareyso inay si degdeg ah u joojiso weerarka ballaaran ee ay ka bilowday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, taas oo Tel Aviv ay iska diiday.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares ayaa sheegay in Madrid ay ku biireyso dacwadda Koonfur Afrika ee ka dhanka ah Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu si gaar ah u taageero Maxkamadda ICJ, si loo fuliyo go’aanka maxkamaddaasi ee lagu joojinayo hawlgalada Tel Aviv ee Rafah iyo guud ahaanba Marinka Gaza.
“Go’aankan waxaan ugu dhawaaqnay, sidii loo joojin lahaa hawlgalada ka sii socda Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray in Madrid ay ka hortageyso in colaadda ay ku baahdo Bariga Dhexe oo dhan.
Wasiirka oo Warbaahinta la hadlayay ayaa yiri “Spain waxay u qaadatay go’aankan inaysan ka shaqayn nabadda Gaza iyo Bariga Dhexe oo keliya, laakiin sidoo kale waxaa ka go’an inay ilaaliso xeerarka caalamiga ah.”
Jose Manuel Albares, Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Hadafkeennu keliya waxaa weeye inaan joojino dagaalka iyo inaan hore u sii wadno hirgelinta xalka laba dowladood.”
Spain, Ireland iyo Norway ayaa 28-kii bishii ina dhaaftay ee May aqoonsaday Dowladda Falastiin. Slovenia ayaa iyana maalmo ka dib ku dhawaaqday aqoonsigeeda Dowladda Falastiin.
Madaxda reer galbeedka oo ka jawaabaya cadaadiska ka haysta gudaha ayaa isku dayaya in ay gacmaha qabtaan Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada ku riixaya in la sii wado dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.
Spain waa dowladda ugu weyn reer Yurub ee ka dhex ololeynaysa Midowga Yurub, si markii ugu horreysay loo jebiyo qabka Israel.
Dilka iyo gaajeysiinta ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa dunida ka dhaliyay carro caalami ah, iyadoona ay Tel Aviv fahamsan tahay in uu xoogeysanayo kacdoonka caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo.
Kacdoonka caalamiga ah ee socdo ayaa looga gol leeyahay joojinta colaadda Marinka Gaza iyo in la helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.
Bulshada dunida ayaa gadaal ka riixeysa in Israel la baro dersiga ah inaysan jirin cid ka sarreysa sharciga.
Israel oo ah nidaam gumeysi ayaa tobanaan sano gabood-falo ka gaysaneysay dhulka Falastiiniyiinta, iyada oo taageero kaga haysatay xulafadeeda reer galbeedka, tiiyoo aad hadda arki karto in waqtigeedii uu soo naxuusayo.