Home Wararka Maanta Su’aalo ku gadaaman, sida Shabaab ay ugu suurtagashay inay ka baxaan Ceelbaraf

Su’aalo ku gadaaman, sida Shabaab ay ugu suurtagashay inay ka baxaan Ceelbaraf

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ee isku soo ballaarisay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xalay bilaabay in ay ka baxaan deegaanadii ay ku dhawaad saddex toddobaad ka hor ay weerarada ka bilaabeen.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay banneysay Degmada Ceelbaraf iyo deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km jihada bari kaga beegan Magaalada Jowhar.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in maleeshiyada la soo khalday ay dib u guraneyso, ka dib markii sida uu sheegay la laayay amiiradoodii.

Su’aalo ayaa ku gadaaman, sida ay Shabaabku ugu suurtagashay inay ka baxaan Degmada Ceelbaraf oo 20-kii bishii February ay la wareegeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa 5-tii bishan si dhameystiran u go’doomiyay Shabaabkii ku sugnaa Ceelbaraf, ka dib maalmo ay weerar dhinaca dhulka ah ku hayeen, xagga cirkana ay duqayn uga socotay.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay waddo walba ka soo xireen degmadaasi, isla-markaana aysan jirin cid ka bixi kartay amaba geli kartay, marka laga soo tago shacabkii ka barakacayay.

Ciidamada ayaa Ceelbaraf ka soo xiray waddooyinkii looga baxayay ee dhinacyada Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi.

Ciidamada ayaana horey u xiray waddadii ugu dambeysay ee Ceelbaraf looga baxayay dhinaca hawdka ee dueedka degmadaasi ee isku xirto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, taas oo ku tusineysa inaysan jirin waddo ay Shabaabka si nabdoon uga bixi kareen degmadaasi.

Ma cadda jihada ay Shabaabka uga baxeen degmadaasi, sida ay ugu suurtagashay iyo weliba goobta ay aadeen, waana xilli ay dul joogeen diyaaradaha dagaalka ee ku beegsanayay gudaha degmadaasi toddobaadyadii ay ku sugnaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc