Abaarihii habeen bar ama saqdii dhexe ee xalay ayuu dab xoogan ka kacay Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ku dhow Suuqa Gobanimo, oo ah kan labaad ee ugu weyn Magaalada Hargeysa.
Dabka oo aan la aqoon waxa sababay ayaa gaystay khasaare maaliyadeed, ka hor inta aan saacado ka dib la baqtiin dabkaasi.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo kaashanaya shacabka ayaa ku guuleystay in la xakameeyo fiditaanka dabka.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, S/guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa sheegay in dabku uu ahaa mid weyn, balse Alle mahadiis ay ku guuleysteen inay ka hortaggaan inuu ku fido dhul hor leh.
Taliyaha oo farriin u diray shacabka ayaa yiri “Shacabka inkastoo ay nacaawinayeen, haddana dhibaatadu aad bay u badneyd, oo baabuurtii meel ay maraan ayaanu waynay, cagtii meel aanu marnaa waynay, tubooyinkii meel aan la marnaa waynay. Markaa shacabka waxaan ka baryayaa hana caawiyaan, laakiin waddooyinka iyo tubooyinka meelaha aan la marayno waa inay noo banneeyaan.”
S/guuto Sawaaxili ayaa xusay in dabku uu gaystay khasaare badan oo maaliyadeed.
Ma jirto wax khasaare nafeed oo dabku gaystay, illaa iyo hadda inta laga warqabo, isla-markaana ay masuuliyiintu xaqiijiyeen.
Gubashada Suuqa Idaacadda ayaa ku soo aadaya, xilli daba-yaaqadii sanadkii hore dib loo furay Suuqii weynaa ee Waaheen, kaas oo ku basbeelay dab ka kacay 1-dii bishii April ee sanadkii 2022. Suuqa Waaheen ayaa ah kan ugu weyn Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.
Dabka ayaa sanadihii ugu dambeeyay magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ka noqday caqabad soo taagan oo dadkuna aanay waxba ka baraneyn, isla-markaana aysan u diyaarsaneyn inay ka hortaggaan khataraha keeni kara inuu kaco.
Dabka ayaa cagta marinaya ilaha ganacsi ee ugu muhiimsan ee ka jira magaalooyinkaasi, ganacsiguna waa isha dhaqaale ee ugu weyn magaalooyinka.