Dowladda Sweden oo ka mid ah dalalka Yurub ee sida weyn u taageeraya Dowladda Ukraine oo dagaal kula jirto Ruushka ayaa ku boorisay in ay bartilmaameedyadeeda ku koobnaadaan goobaha Militariga Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa toddobaadkii hore hawlgalo ka bilaabay xuduudda Ruushka, iyagoona ay qaarkood ka dagaalamaan gudaha dalkaasi, si Ruushka culeys loogu saaro in ciidamadiisa uu kala soo baxo dalka Ukraine.
Wasiirka Difaaca Sweden, PÃ¥l Jonson ayaa sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay inay weerarto bartilmaameedyada Militariga Ruushka, iyadoo ujeedku yahay inay iska difaacdo duulaanka Ruushka.
“Waxaan Ukraine siinay taageero ballaaran, waxaana dabcan isticmaalka hannaankan u keenay inuu waafaqsanaado sharciga caalamiga ah. Waxaan dhihi karaa in Ukraine ay xaq u leedahay inay isku difaacdo gudaha iyo bannaanka dhulkeeda.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Stockholm ayaa Ukraine ku adkeeyay inaysan beegsan shacabka amaba kaabeyaasha rayidka.
“Codsigeenna Ukraine aan u dirayno waxaa weeye inay hannaankan u adeegsato, iyadoo mareysa xeerka caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay inay khasab ku tahay inay beegsato goobaha militariga, ma ahan rayidka iyo inay sameyso qiimeyn.” Ayuu yiri Wasiirku.
Warka Sweden ayaa imanaya, ka dib markii Ciidamada Ukraine ee duqaymo xoogan ka gaysteen Gobolada Kursk iyo Belgorod, waxyeelana ay ka soo gaartay dad rayid ah, guryo la deganaa iyo baabuur.
Gudoomiyaha Gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov ayaa Ciidamada Ukraine ku eedeeyay in Khamiistan ay afar qof oo rayid ah ku dhaawaceen deegaanka Dunaika ee Degmada Graivoron.
“Ciidamada Ukraine oo adeegsanaya diyaarad drone ah ayaa afar qof ku dhaawacay deegaanka Dunaika oo ka tirsan Degmada Graivoron.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in diyaaraddu ay ku qaraxday meel u dhow dhisme maamul, isagoona muujiyay in dhismahaasi aanu ahayn xero ciidan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga jiraan gudaha Ruushka.
Waa markii ugu horreysay oo Ciidamada Ukraine ay maalmo ka dagaalamaan dhulweynaha Ruushka, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi.