Magaalada ugu weyn dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa waxaa ka socdo barakac iyo dabaaldeg iska soo horjeeda, ka dib markii kooxaha mucaaradka la sheegay inay ku soo dhawaadeen magaaladaaasi.
Wararka ayaa sheegaya in taageereyaasha Madaxweyne Bashar Al Assad ay isaga barakacayaan magaalada, iyagoo ka baqdin qaba in la beegsado.
Sidoo kale taageereyaasha kooxaha mucaaradka ayaa iyana bilaabay inay u dabaaldegaan guulaha xiriirka ah ee ay ka gaarayaan dagaalkan, iyadoona ay magaaladu ka socoto diyaargarow lagu soo dhaweynayo.
Kooxaha ka soo horjeeda dowladda ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Homs, oo ah tan saddexaad ee ugu weyn dalkaasi.
Mucaaradka ayaa sheegay in ciidamadooda ay hadda kulaalayaan Caasimadda Dimishiq, oo gacanta ay ku hayso Dowladda Suuriya.
Dhanka kale Dowladaha Turkiga, Ruushka iyo Iran ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii isku waafaqay in laga shaqeeyo, sidii hannaan siyaasadeed loogu soo afjari lahaa colaadda Suuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov oo dhiggiisa Turkiga iyo Iran kula kulmay dalka Qatar ayaa sheegay in saddexda dal ay muujiyeen baahida loo qabo in la bilaabo wada hadalo dhex mara dowladda iyo mucaaradka.
Dowladaha Ruushka iyo Iran oo ah xulafada ugu weyn ee Madaxweyne Assad ayaa waxaa la dhihi karaa, waxay hadda taageerayaan hirgelinta qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2254, ka dib sagaal sano oo ay hortaanaayeen.
Qaraarkan oo Golaha Ammaanka uu meelmariyay 18-kii bishii December ee sanadkii 2015 ayaa ku baaqaya heshiis xabad joojineed iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro dagaalka sokeeye ee Suuriya
Dalalka reer galbeedka oo Mareykanka ugu horreyo ayaa muddo dheer Dowladda Assad, Moscow iyo Tehran ku eedeynayay in ay diidan yihiin hirgelinta qaraarkaasi.
Qaraarka ayaa qeexaya hannaanka kala guurka siyaasadeed ee Suuriya, waxaana la ansixiyay, ka dib dhowr sano oo dagaalo ay ka socdeen dalkaasi.
Is bedelka iyo dabacsanaanta Tehran iyo Moscow ayaa timid, ka dib markii ay soo ifbaxday in awoodda iyo gacan sarreynta mucaaradka ee dagaalka ay tahay mid aad u sarreyso.