Home Dhacdooyin Taliska ATMIS oo laba saldhig ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

Taliska ATMIS oo laba saldhig ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Axaddii banneeyay saldhiggii ay ku lahaayeen xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ayaa xeradan ku wareejiyay Saraakiil ka tirsan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka, oo dejinaya cutubyo ka tirsan Militariga Somaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa xeradan, oo ka mid ah meelaha laga ilaaliyo amniga Magaalada Beledweyne.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sanadkii 2011 ciidamadii ugu horreyay u soo dirtay dalka, si Somaliya looga gacan siiyo howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab. Militariga Jabuuti ayaana ka mid noqday Hawlgalka Midowga Afrika oo markaasi la oran jiray AMISOM.

Dhanka kale Militariga Kenya ee qaybta ka ah ATMIS ayaa Sabtidii banneeyay xeradii ay ka deganaayeen deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Taliska ATMIS ayaa xeradan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, tani oo qayb ka ah qorshaha uu Militariga Somaliya kula wareegayo amniga dalka.

Taliska Ciidanka ATMIS ayaa bishii June bilaabay wejiga saddexaad ee lagu yareynayo tirada ciidamada ka jooga Somaliya. Qorshaha ayaana ahaa in bishaasi ay dalka ka baxaan 5,000 oo askari, oo intooda badan ay ka socdaan Burundi, Jabuuti iyo Kenya.

Waqtiga Hawlgalka ATMIS ee dalka ayaa ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan.

Sii Hayaha Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa toddobaadkii hore sheegay in Dowladda Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika ay sii wadaan wada-xaajoodyadooda ku aaddan qorshaha amniga dalka ee sanadka 2025 ee xigga bixitaanka ATMIS.

James Swan oo xilligaasi Golaha Ammaanka uga warbixinayay xaaladda amni ee Somaliya ayaa sheegay in khatarta maleeshiyada Al Shabaab ay weli tahay mid taagan, inkastoo sida uu sheegay Dowladda Federaalka ay ahmiyad gaar ah siineyso amniga.

“Al Shabaab waxaa weli ka go’an inay sii waddo weerarada argagixisada, iyadoo aan tixgelineynin khasaaraha nolosha rayidka. Difaaca dadka rayidka ah waa in la siiyaa mudnaanta koowaad.” Ayuu yiri Swan.

Dad badan ayaa ka walaacsan in ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee dalka ay keeni karto in Shabaabku ay dib ugu soo xoogeystaan gobolada dalka qaarkood.

Iyadoo Villa Somalia ay taasi ka garaabeyso ayaa waxaa socda qorshe la doonayo in Midowga Afrika uu dalka ugu soo diro ciidamo cusub, oo lagu wado inay bedelaan Hawlgalka ATMIS.

Villa Somalia ayaa marar badan ku celcelisay in ciidamadeeda ay ku filan yihiin amniga dalka, marka dhammaadka sanadkan ay dalka isaga baxaan Ciidanka ATMIS, inkastoo mowqifkeedaasi uu hadda wax iska bedelay.

Hawlgalka cusub oo aan weli magac loo bixin ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee nabad ilaalin ah ee Modowga Afrika oo ka hawlgala dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc