Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar, General Daahir Cabdulle Raage, ka dib weerarkii Sabtidii ka dhacay xabsigaasi.
Taliyaha ayaa General Maxamed Xuseen Axmed u magacaabay inuu noqdo Taliyaha KMG ah ee Xabsiga Dhexe.
Sidoo kale General Maxamed Xuseen Axmed ayaa madax looga dhigay guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaa oo la faray inay baaraan dhacdadaasi.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Korneyl Cabdiqani Maxamed Khalaf ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta, taas oo shaqada lagaga fariisiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe, laguna magacaabay Taliyaha cusub iyo guddiga baaritaanka.
Xubnaha guddiga oo dhammaantood saraakiil ciidan ah ayaa laga soo kala xulay Talisyada Asluubta, Booliska iyo Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida.
“Taliyuhu shaqadaas ayuu u igmaday, baaristiina way bilaabeen maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka bisha July. Wixii baaristaas ka soo baxa ayuu Taliyaha Ciidanka iyo taliskiisu idin la wadaagi doonnaa.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Taliska Ciidanka Asluubta ayaa isku dayaya in ay ka jawaabaan cadaadiska kaga imanaya Madaxtooyada Qaranka ee looga dalbanayo in sharciga la horkeeno kuwii fududeeyay weerarkaasi.
Weerarka Xabsiga Dhexe ayaa u muuqday isku day ay xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab kaga baxsanayeen xabsigaasi, ka dib markii qaab qarsoodi ah ay hub ku heleen.
Xubnahan oo ay ku jiraan kuwo ku xukunaa dil toogasho ayaa dagaal la galay ilaalada xabsiga, waxaana iska horimaadkaasi ku dhintay sideed qof, oo isugu jiray shan maxbuus iyo saddex askari, waxaana ku dhaawacantay 18 maxbuus iyo saddex askari.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay Talisyada Asluubta iyo Booliska ka dalbatay in si dhab ah loo baaro dhacdadaasi, sharcigana la horkeeno kuwii fududeeyay weerarka ama dayacaadda amni sameeyay amaba ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.
Weerarkan ayaa noqonaya isku daygii labaad ee xubnaha Shabaabka ahi ku doonayeen in ay kaga baxsadaan xabsigaasi, dhowr sano gudahood.
Baaritaanka hadda biowday oo aan la garaneyn muddada uu qaadan doono ayay dadku ka dhur-sugayaan natiijadiisa.