Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhagarta kooxaha argagixisada ee ay isaga horkeenayaan beelaha walaalaha ah, xilligan oo ciidamadu ay hawlgal ballaaran ka wadaan Gobolka Hiiraan iyo qaybtood oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliyaha ayaa sheegay in ay la socdaan in cadowgu uu ku mashquulsan yahay in ay iska horkeenaan beelaha walaalaha ah.
“Waxaan ka war haynaa in cadowgu uu ku mashquulsan yahay in beelaha Soomaaliyeed meel walboo ay degan yihiin ee walaalaha uu madaxa isku geliyo, si halkaasi ay fursad mar walba uga dhex helaan ama ay ku dhex galaan amaba ay uga dhex faa’iideystaan.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo ku sugan furimaha hore ee Gobolka Hiiraan ayaa qabaa’ilada kula dardaarmay in aan colaad laga dhex hurin beelaha ay ood wadaagga yihiin, isla-markaana ay ilaaliyaan walaalnimada, Soomaalinimada iyo Islaalnimada.
“Waxaan marka ugu baaqaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan in beelaha walaalahooda ah ama deriska yihiin ama ay is dhex degan yihiin aan la isku dirin, cadowguna ka faa’iideysanin, lana ilaaliyo walaalnimada, Islaamnimada iyo Soomaalinimada, wax dhibaato ahna cid kale aysan cid u gaysan, cadowgana abaabulka uu wado iyo dhagarta uu wado aan loo dhega-nuglaanin.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay jiidda hore ayaa ku waramaya in Shabaabku ay awoodoodii daciiftay, balse ay isu muujinayaan in ay weli awood leeyihiin.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay maanta awood buuxda u leeyihiin in ay ka takhalusaan, inta ka hartay awoodooda.
Hadalka Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa imanaya, iyadoo deegaanada Hirshabelle uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka lagaga sifeynayo Shabaabka, waaa xilli ay deegaanadaasi ku soo noqnoqdeen isku dhacyada beelaha.
Shabaabka ayaa dhowr iyo toban sano ka arriminayay qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, inkastoo hadda ay goboladaasi ka joogaan qaybahooda galbeed.
Shabaabka ayaa muddo dheer ahaa awoodda keliya ee muuqato ee dagaalka tooska ah kala horjeedda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.