Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa gaaray deegaanka Xalfooley, oo ka mid ah deegaanada kala qaybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xalfooley ayaa muddooyinkan marin muhiim ah u ahayd maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo ka faa’iideysanaya isku dhacyada beelaha ee ku soo noqnoqday deegaankaasi. Duleedyada deegaankan ayaa waxaa ku sugan Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley, balse kuwaasi ayaa ka gaabiyay dagaalkii ay kula jireen Shabaabka, ka dib markii ay ku milmeen colaadda beelaha.
Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo masuuliyiintii la socotay ayaa shalay galab Ciidanka Difaaca Shacabka kula hadlay Xalfooley, iyagoona ku booriyay in ay doorkooda ka qaataan hawlgalka lagu la dagaalamayo Shabaab ee ka socdo deegaanada Hirshabelle.
Masuuliyiintan ayaa xoogagaasi ku ammaanay doorkooda wejigii hore ee hawlgalka, si la mid ahna ay hadda uga qayb qaataan hawlgalka oo wejigiisa labaad galay.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa Macawiisleyda uga digay in Shabaabku ay ciil badan u qabaan, haddii ay dadka tuseen in lala dagaalami karo maleeshiyadaasi.
“Horta meeshay idinka soo galaan gabar iyo wiil qof idinkama dhaafi rabaan. Soomaali kale ay col la yihiin ma jirto intuu adduunka qof idinka joogo, waayo idiinkaa dabadooda feeday, Somaliya idiinkaa tusay in leeska celin karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa waxa uu dhankiisu sheegay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta dalka laga ciribtirayo maleeshiyada Shabaabka.
Warbaahinta ayaa fahamsan in masuuliyiintu ay Xalfooley u taggeen, si ay u xaqiijiyaan qorshaha uu Militariga Somaliya ku xirayo xuduudaha Gobolka Shabellaha Dhexe la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, si looga hortago gurmadka ay Shabaabku helayaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu meelo ka mid ah gobolkaasi ku diyaariyay, ciidamadii xiri lahaa soodimaha uu la wadaago labadaasi gobol.
Shabaabka ayaa culeys weyn soo saaray Gobolka Shabellaha Dhexe, taasoo dib-u-dhac ku keentay wejiga labaad ee hawlgalka ka socdo Hirshabelle.
Tan iyo 20-kii bishii February, Shabaabka ayaa marba weerar ku dhufanaya labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan & Shabellaha Dhexe), iyagoona weerarada ugu badan ka gaysanaya Gobolka Shabellaha Dhexe.
Weeraradan ayaa caqabad ku noqday hawlgalkii toddobaadyo ka hor ka bilowday deegaanada Hirshabelle ee Shabaabka lagaga sifeynayay hareeraha Webiga Shabelle iyo is fiditaankii ciidamada ee xuduudaha gobolada.
Kororka weerarada Shabaabka ayaa kala dhantaalay qorshihii uu militarigu riixayay, si loogu xakameeyo dhaqdhaqaaqyadooda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo hoggaaminaya gulufka militari ee Hirshabelle ayaa xoojinaya qorshaha lagu xirayo xuduudaha.