Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho kula kulmay AnneMarie Van Den Berg

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho kula kulmay AnneMarie Van Den Berg

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Magaalada Muqdisho kula kulmay AnneMarie Van Den Berg, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Dhinaca Taageerada Hawlgalka.

Haweeneydan oo booqasho ku joogta Caasimadda Muqdisho ayuu Taliyuhu kala hadlay sanduuqa tageerada Ciidanka Xoogga Dalka ee UNSOS, xilliga kala guurka amniga iyo sida ay hawlgalada noqon lahaayeen, marka Ciidanka ATMIS ay dhammaadka sanadkan dalka isaga baxaan.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab iyo qorshaha ay dalka uga ciribtirayaan.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu uga mahadceliyay UNSOS taageerada saadka iyo tababarada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka.

Xafiiska UNSOS oo la aasaasay sanadkii 2009 ayaa taageera hawlgalka ay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika u joogaan dalka.

UNSOS ayaa la sii shaqayn doonta hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, marka uu dhammaado waqtiga ATIMIS oo ku eg 31-ka bisha December ee sanadkan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee dalka ayaa yeelan doono magac cusub, marka la gaaro 1-da bisha January ee sanadka 2025.

Hawlgalkan ayaa loogu magac-daray AUSSOM. Hawlgalka Taakuleynta Midowga Afrika ee Somaliya ayaa Dowladda Soomaaliyeed looga caawinayaa la dagaalanka Al Shabaab iyo xaqiijinta nabadgelyada dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc